Qaar Ka Mid Ah Faa’idooyinka Yaabka Leh Ee Ay Basashu U Leedahay Caafimaadka

0
598

Picture11Hargeysa (Geeska)- In kasta oo ay basashu tahay khudrad aanay jeclayn dumarku, maadaama oo inta badan xilliga ay jar-jarayaan si ay cuntada ugu kariyaan ay ku keento kulayl indhaha ah iyo ilmo xad dhaaf ah, haddana waxaa hubaal ah in dhibtaas laga arkay ay aad u yar tahay, gaar ahaan marka la barbar dhigo faa’idooyinka tirada badan ee ay caafimaadka qofka u leedahay.

Basasha waxaa ku jira macdanno tiro badan iyo maaddooyin kiimikaad oo faa’ido badan u leh caafimaadka, sidoo kale waxaa ku jira xaddi badan oo ah faytamiinka C, asiidhka Folic iyo maaddooyin cunto oo aad u badan. Intaas oo keliya ma’aha ee sidoo kale waxaa basasha ku jira xaddi badan oo xadiidka dhiiggu u baahan yahay ah, Kaalshiyaam, barootinno aad u tayo sarreeya, maaddooyin muhiim ah oo unugyada iyo neerfayaasha ka ilaaliya burburka iyo in ay shaqada joojiyaan, Faytamiin E oo isna jidhka ka difaaca walxaha iyo maaddooyinka burburiya macdanaha dhiigga ku jira.

Cilmi-baadhiso badan oo iyagana la sameeyey ayaa xaqiijiyey in cunitaanka badan ee basashu uu yareeyo khatarta ah in qofka ay ku dhacaan cudurro kala duwan oo uu ka mid yahay nabar-calooleedku, waxa aanay dishaa noolaha ili-maqabatayga ah ee dhasha caloosha dhibaatada caafimaad darrana ku keena, sidoo kale basashu waxa ay furfurtaa dhiigga oo ay ka ilaaliso in uu guntamo, si aanu u keenin faalig, gaar ahaan dadka qaba wadne xanuunka iyo cudurrada ku dhaca halbawlayaasha dhiigga, kuwa aan wadne xanuunka lahayna waa ay ka hortagtaa in uu ku dhaco.

Ugu dambayntii khubarada caafimaadku waxa ay xaqiijiyeen in basashu ay yarayso xiiqda, iyo burooyinka ka dhasha caabuqa ku dhaca xaglaha, sidaa awgeed waxa ay aad ugu talinayaan in aan la yaraysan cunitaanka basasha.