Dadka Jarmalka Ah Oo La Ogaaday In Ay Cuqdad Ka Qabaan Tirsiga Sannadka 7aad

0
826

Picture10Berlin (Geeska)- Caado ahaan dadka Jarmalka ahi waxa ay neceb yihiin tirsiga sannadka toddobaad, sidaa awgeed inta badan waxa ay ku dadaalaan in sannadka Toddobaad ay ka duwaan munaasabadahooda muhiimka ah, sida, guurka iwm. Waxa aanay sannadka toddobaad u yaqaannaan in uu yahay sannad nacdalan, oo inta badan aan lagu aqoonin barako ama balo wata oo ay masiibo dhacdo.

Tiro-koobyo badan oo muddooyin kala duwan lagu sameeyey arrimaha bulshada, gaar ahaan guurka iyo furniinka dadka Jarmalka ayaa lagu ogaaday in inta badan lammaanayaasha kala tegey ee dalka Germany ay kala tageen sannadkii toddobaad ee dhismaha qoyskooda ka soo wareegay. Xafiiska tirokoobyada ee gobolka Rayn ahaa sheegay in tiro koob si cilmiyeysan ay u sameeyeen lagu ogaaday in dad tiradoodu ka badan tahay 46 Kun oo lammaane oo is furay markii baadhitaan lagu sameeyey ay soo baxday in intooda badani ay kala tageen sannadkii Todobaad ee dhismaha qoyskooda. Arrinta xiisaha leh ee ka dhashay natiijada tiro koobkan iyo tiro koobyo la nooc ah oo hore u jiray ayaa noqotay in ay kor u kacdo tirada dadka reer Germany ee cuqdada ka qaba ama baasaysanaya sannadka toddobaad ee noloshooda oo dhan, tusaale ahaan sannadka toddobaad ee dhismaha qoyskooda, sannadka toddobaad ee shaqada uu joogo, oo uu inta badan wadnaha farta kaga hayo in la fannasho, marka ilmihiisu toddoba jirsado iyo munaasabad kasta oo gu’ga toddobaad gashay.