Real Madrid Oo Guuldaradii Ugu Horeysay Dhadhansisay Barcelona Iyo CR7 Oo Sii Wada Rikoodhkisii Gooldhalinta

0
911

Picture3Xidigan u dhashay wadanka Uruguay kamuu caawin kooxdiisa guul ay ka soo gadhaan kooxdii martida galisay ee Real Madrid taasi oo gaadhay guul laaga horeyey isla markana ku guulaysatay  Clasico ugu horeysay ee xili ciyareedkan.

Kulankii aadka u xiisaha iyo xamaasda badanaa ee mudada la sugayey ayaa ku bilaabmay si dagan oo labada dhinacba ay is xishmayn badani ka muuqato taasi oo u sahashay kooxdii martida ahayd ee Barcelona inay hogaanka ciyaarta qabato daqiiqdii 3aad, goolkaasi oo uu dhaliyey laacibka  Neymar isla markana uu caawiye ka ahaa laacibka ganaaxa afarta bilood ku maqnaa kasoo ka soo noqday isla markana ciyartiisii ugu horeysay oo rasmiya u ciyaaray kooxdiisa cusub ee Barcelona ee Luis Suarez , taasi oo naadiga Real Madrid ay ka dhidhiday isla marknaa u qadan waa ku noqotay bilowdayna inay hurdada ka kacdo iyadoo weraro is daba jog ah ku qaaday goolka naadiga Barca isla markana ku sameysay fursado aad u badan iyo waliba khalkhal ka dhex abuurtay difaacyahanda kooxda Barca gaar ahaan Gerrad Pique fursadahaasi oo ay ka mid ahyeen labadii fursadood ee uu werarayahanka Karim Benzema birta ku dhufay kubada, Real ayaa werarkeedii sii xoojisay iyadoo daqiiqadii 35aad ku heshay gool rikoodhe ah oo uu dhaliyey xidiga kooxda Real ee C. Ronaldo isagoo halkaasi ka dhaliyey goolkisii 16aad isla markana sii xoojiyey rikoodhkisii kale ee ahaa isagoo ciyaar waliba gool ka dhaliyey dhamaan sideeda kulan ee la ciyaray,  qaybtii hore ayaa ku dhamaatay barbaro waxana la iskugu soo noqday qaybtii labaad, Real ayaa awoodedii werara halkii ka sii wadatay iyadoo daqiiqadii 50 aad uu mar kale gool ka dhaliyey difaacyahanka Pepe hogaankiina u dhiibay kooxdiisa markii ug horeysay kulankan,  Real Madrid halkaasi kumay hadhin ee 11 daqiiqo ka dib waxaa goolka sadexaad u saxeexay weraryahanka naadiga Karim Benzema goolkaasi oo uu cawiye ka ahaa James Rodriguez, ciyaarta ayaa ku soo dhamatay 3-1 ay guushu ku raacday Real Madrid.

Barcelona ayaa guuldaradii ugu foosha xumayd kala kulantay xili ciyaareedkan kooxdii cadawada wayni ka dhaxaysay ee Real Madrid, Lionel Messi oo dunidoo dhan muran ay ka abuurtay sheekadisii ahayd in lagu dhex maamuuso garoonka Santiago ee ahayd inuu hadii uu gool ka dhaliyo kulankan noqonayey gool dhaliyaha ugu goolasha badan abid horyaalka Spain intii la ciyarayey isla markana tageerayaasha Real laga dalbaday inay u sacabo tumaan, dhanka kale gool hayaha kooxda Barca ayaa rikoodhkii laga jabiyey ka dib markii aan wax gool ah laga dhalin 7dii kulan ee la kulankan ka horeyey.

Natiijada ciyaartan ayaa ka dhigaysa inay kooxda Real soo gashay kalinta labaad iyadoo hal dhibic ka danbaysa Barcelona.