7 Qodob Oo Uu Ninku Ku Kasban Karo Qalbiga Gabadha Ka Garaadka Badan Ama Ka Aqoonta Saraysa (Q: 2aad)

0
1309

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii 2aad ee qormadii aynu ku eegaynay qodobbo ninka ka caawin kara in uu kasbado qalbiga gabadha ka garaadka ama aqoonta badan. Qodobbadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Al-Qabas ee ka soo baxa dalka Kuwait qaybtooda labaad waxa ay u dhignaayeen sidan:

4. Run ka sheeg waxa aad og tahay: Marka aad la kulanto gabadh aad dareento in ay maskax badan tahay, waxa hubaal ah in bilowga hore ay kugu adkaan doonto inaad la dooddo ama aragtiyo iska soo horjeeda aad is dhaafsataan, laakiin tani ma'aha fikrad sax ah, marnaba ha quusan, waxa aad ogaataa in dabeecadda bani'aadanku si kasta oo ay u kala duwan tahay ay meel uun isugu timaaddo, tusaale ahaan maxaa diidaya in aad isku hiwaayad noqon kartaan, in aad isku filimo xiisaysaan, in aad isku buug akhriskooda xiisaysaan, iyo waxyaabo kale oo badan oo la mid ah, ayaad ka faa'idaysan kartaa kana dhigan kartaa bar bilawga dooddaada iyo sheekada aad la yeelanayso gabadha aad bidayso in ay kaa aqoon ama garaad badan tahay. Haddii ay dhacdo intan oo dhan in aad ka weydo meel aad isugu timaaddaan, weli ha quusan, bilow doodda oo u muuji in ay arrimahaas kaaga wanaagsan tahay, balse ha is dhiibin ee qudhaadu tus meelo badan oo kale oo aad kaga aqoon iyo waayo aragnimo badan tahay.

5. Kalsoonida Naftu waa tilmaamta ugu muhiimsan: Ha isku koobin in aad qalbiga gabadha fariidda ah u marto hababka aynu hore u soo sheegnay oo keliya, waxa aad ogaataa in nin ahaan ay adiga kugu waajib tahay inaad naftaada kalsooni badan ku qabto, kalsoonida naftu waa tilmaamta ugu fiican ee nin yeesho, gaar ahaan waxa ay ku fiican tahay in ninka laga dareemo kalsoonidan marka uu la macaamilayo gabadha. Waxa hubaal ah in gabadhu ay sideedaba jeceshay ninka kalsoonida badan isku qaba ee duruuf kastaa oo timaaddaa aanay gil-gili karin raganimadiisa.

6. Gabadha fariidda ah ragga badh ayuun baa jecel:  Ragga qaar ma jecla in ay gabadhu noqoto sida aalad qaaliya oo ay daawadaan keliya marka ay guriga ku soo noqdaan iyaga oo daallan. Linda Johnson oo ah macallimad ku takhasustay cilmiga bulshada oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa mar ay arrintan ka hadlaysay waxa ay tidhi, "Ragga Caqliga badani waxa ay raadiyaan gabadh fariidnimo badan, gabadh ku garab istaagi karta halganka maalinlaha ah ee nolosha, gabadh aan kibir badnayn oo inta badan ku dadaasha in ay ninkeeda ka fududayso culayska nolosha”

Linda Johnson oo ugu dambayntii dumarka ku canaananaysay in ay badanaaba isku dayaan in ninka ay wanaaggooda oo dhan u soo horumariyaan xilliga is barashada guurka marka la isla gaadhana ay soo baxdo dabeecadahooda xun iyo waxyaabo badan oo bilowgii u qarsoonaa, ayaa ku talisay; In dumarku ay ku dadaalaan bilowga hore ee is barashada ninka in ay wax badan qarsadaan, wanaggooda badankiisana ka dhigtaan sir, si guurka kadib ay ula soo baxaan oo ay ninka ugu noqoto lama filaan iyo arrin ku beerta jacayl badan. "Waa taas fariidnimada dhabta ah ee gabadhu" ayey tidhi aqoonyahanaddani.

7. Raggu waa ay ka baqaan gabadha Fariidda ah: Daraasado badan oo lagu sameeyey arrimaha bulshada ayaa caddeeyey in badanaaba raggu ka baqaan dumarka garaadka badan ama lagu tilmaamo fariidda, daraasadahan ayaa muujiyey in raggu aanay guurka iyo haasaawahaba kula deg degin gabadha fariidda ah, mararka qaarkoodna ay dhacdo in ay xaqiraan una arkaan qof aan sidaa u muhiim ahayn. Laakiin taas sababteedu aanau ahayn ceeb dhinaca gabadha ah, balse ay tahay baqdin iyo cuqdad nafsi ah oo ninku uu ka qabo gabadha ka garaadka ama aqoonta badan. Dhammaad