Muritaaniya Oo Mamnuucday Soo Dejinta Baabuurta Duugga Ah Iyo Dadka Faqiirka Ah Oo Aad Uga Xumaaday

0
716

Picture1Nuwakshoot (Geeska)- Dalka Muritaaniya oo dhaca Galbeedka Afrika waxaa laga dhaqan geliyey sharci loo arkay in dadka faqiirka ah ee dalkaas u badan ka hor istaagayo in ay yeeshaan baabuur. Sharcigani waxa uu mamnuucayaa in dalka loo soo dhoofiyo baabuurta cimrigoodu ka weyn yahay 10 sano, iyada oo la og yahay in dadka dalkaas badankoodu ay iibsadaan baabuur hore loo soo isticmaalay oo looga soo dhoofiyey qaaradda Yurub, iyada oo la soo marinayo dalka Marooko, baabuurtaas oo lacag aad u jaban ay siistaan  ayaa ay sidoo kale dowladduna ka qaaddaa cashuur yar, sharcigan cusubi waxa uu xakamaynayaa baabuurtaas duugga ah, gaar ahaan kuwa taariikhda ay soo baxeen ay ka soo wareegeen 10 sano iyo ka badan, taas oo ah taariikhda ay baabuurtaasi u badan yihiin.

In kasta oo ay masuuliyiinta Muritaaniya ku doodayaan in sharcigan cusubi uu keeni doono in baabuurta duugga ah ee dalka laga soo buuxinayo ay beddelaan kuwo cusub oo casri ah, isla markaana qiiqa ay sii deynayaan deegaanka u dhaamo kuwan duugga ah, sidoo kalana ay dadka ku dhiirri gelinayaan in la adeegsado baabuurta dadweynaha (Basaska iyo tagaasida) oo ay ku sheegeen in ay ka amni badan yihiin, haddana runtu waxa ay tahay in dhaqaale xumo badan oo dalkaas ka jirta, sicir-bararka oo meel sare gaadhay iyo mushaharka shaqaaluhu qaato oo aad u hooseeya oo ay dheer tahay shaqo la’aanta oo aad u badan iyo faqriga oo dalka aad ugu faafay awgeed sharcigani waxa uu jarayaa rajadii muwaadiniin badan oo reer Muritaaniya ahi ka qabeen in ay baabuur yeeshaan, maadaama oo aanay jarayn qiimaha baabuurta cusub oo aad qaali u ah.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxa uu intaas ku darayaa go’aankani uu saamayn gaar ah ku yeelan doono dadka faqiirka ah, taasina ay saamayn ku yeelan karto ammaanka. Khubarada dhaqaalaha ayaa iyaguna dhinacooda si adag uga digay natiijada ka dhalan karta xeerkan cusub dhaqan galkiisa, taas oo ay ka mid tahay in ay xidhmi doonaan macraddo badan oo baabuurta lagu iibiyo, taasina ay saamayn ku yeelanayso dhaqaalaha iyo dhalinyaro badan oo shaqo waaya.