Wada Hadalo La Filayo Inay U Bilaabmaan Xukuumada Iyo Khaatumo

0
640

Hargeysa(Geeska)-Wada hadalo ayaa la filayaa inay u bilaabmaan xukuumadda Somaliland iyo kooxda Khaatumo ee hubaysan, waxaanay wada hadaladu bilaabmayaan todobaadkan.

Ma jiro war rasmi ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay wada hadalkan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya inay bilowga wada hadalkan ka soo shaqeeyaan deeq bixiyayaasha taageera dimuqraadiyadda Somaliland.

Kulanka ayaa la filayaa inuu ka dhaco magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, oo ay labada dhinac isku arki doonaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhinaca Somaliland ay kulanka u meteli doonaan madaxda saddexda xisbi qaran oo hadda ku sugan magaalada Nayroobi ee Kenya, halka uu Cali Khaliif isna metelayo kooxda Khaatumo.

Beesha caalamka ayaa dhawr goor Somaliland ugu baaqday inay wada hadal la furto kooxdaas iyadoo balan qaaday inay wada hadalka taageeri doonaan fududayntiisa. Xukuumadda Somaliland ayaa iyaduna dhawr goor ku celisay inay diyaar u tahay la hadalka cid kasta oo reer Somaliland ah oo wax tabanaya.

Haddii uu wada hadalkani qabsoomo, wuxuu noqonayaa markii u horaysay ee ay Somaliland soo horfadhiisato maleeshiyaadka Khaatumo.