“Xukuumada Siilaanyo, Malaha Waxa Ay U Qabtaa Oodweyne Iyo Garooe In Uu Garowe U Dhowyahay”

0
614

Hordhac kooban.

Gobolka Daadmadheedh waa gobol ka mid ah Gobolada JSL kaas oo leh dhul aad u baaxad weyn sidoo kalena hodan ku ah labada khayraad ee beeraha iyo xoolaha.

Hadaba goblkan yaa waxa ka jira dib u dhac balaadhan kaas oo aad moodo in xukuumadi iskaba iloday. Sidaa daraadeed ayaan halkan waxaan kusoo koobayaa baahiyaha gobolkan afeeyey ee aan waxba laga qaban afartaa sanno ee xukuumadani jirtay

Caqabadaha ka Taagaan Dhinaca Dakhliga

Sidaynu kor ku sheegnay gobolku wuxuu lee yahay deegaan aad u balaadhan. Hadaba waxa waxa jira caqabado dhanka dakhliga ah kuwaas oo ah In buugaagtii ay madbacada qaranku u daabacday degmada Odweyne ee hanta dhawrka qarankana ka diiwaangashan ee loo yaqaano GR-ka kuwaas oo lagu soo cashuuro cashuuraha dawlada hoose ee xoolaha nool inaanu kashaqaynin gobolda kale ee JSL sida BURCO iyo HARGEISA. Tusaale ahaan marka dadka shacabka ah ee xoolaha nool wata ee loogu soo cashuuro Gobolka Daadmadheedh marka ay yimaadaan sayladaha waaweyn ee hargeisa ama Burco waa laga diidaa weliba xadhig iyo cambusaad loogu daraa xoolihiina dib loo cashuuraa. Degma kasta oo ka mid ah JSL cashuurteedu wey socotaa sida Degmada Bali-gubadle iyo Degmada Gabiilay xoolaha lagu soo cashuuro cashuur dambe laguma cashuuro Hargeisa. Kuwa lagu soo cashuuro demada caynaba iyagana mar dambe laguma cashuuro Burco.

Hadaba maxaa sababay!

Dhinaca caafimaadka

Gobolka Daadmadheedh wuxuu ka kooban yahay 4 degmo iyo 80 tuulo. Hadaba Degmada Odweyne waxa ku yaala dhakharkii degmada iyo hal xanaano kuwaas oo aanu u dhamaystirnayn adeegyadii looga baahnaa caafimaadka sida bangigii dhiiga iyo qalabkii caafimaadka, iyada oo gobolkaa dhami aanu lahayn hal gaadhi ampalance taas mid uu ugu deeqday shirkada Dahabshiil sanadkii 2010-kii kaas oo hada hawl gabay. Degmooyinka kale Degmada Xaaji-saalax oo kaliya ayaa leh MCH yar kaas oo aan wada qaban Karin adeegyada caafimaad ee loo baahanyahay dhamaan degmooyinka kale iyo tuulooyinka hoos yimaadaba majiro wax adeeg caafimaadi iyada oo aanay jirin wax shaqaale caafimaad ah oo loo tababaray kaliaya lageeyaa adeega KID-ka shan magaalo oo kamida kaas oo ah waxa kaliya ee ay helaan adeeg caafimaad.

Sidaa daraadeed dhibaatooyinka ugu daran ee ay keentay caafimaad laaantu waxa ka mida in tiro badan oo hooyooyin ay isku goaan kuna naf waayaan iyada oo marka loo la cararo Hargeisa iyo Burco wax yar uun baa ka badbaada iyadoo masaafo dheer oo ilaa 250KM iyo 300 KM u jirtaa loo qaado.

Baahiyaha dhinaca biyaha

Gobolku waxa uu leeyahay deegaano badan oo biyaha meel dhaw laga gaadhi karo balse waxa aan jirin haba yaraatee wax ay qabatay wasaarada biyuhu iyada oo meel badan oo kamida gobolada kale ee JSL Ceelal riigag ah.

Iyada oo xiliyada abaaraha biyo laan badani ka dhacdo meel kale iska daayoo degmada Odweyne gudeheeda ayaa biyo yaraani ka jirtaa

Dhinaca beeraha

Gobolku waxa uu leeyahay dhul beereed aad u balaadhan waxa kale oo mara 14 tog u dhul beereed ah waxaan qabaa hadii si fiican loo beerto oo lana maalgeliyo inuu kafayn karo JSL oo dhan Hadaba wax kasoo gaadhay xukuumada ma jiraan sida cagaf cagafyadii ay keenay wasaarada beeruhu iyada oo loo diiday gobolka. Gaadiidkii hore ee ay bixisay haayada IFAD ee maalgelisa beeraha kuwaana waa laga qadiyey markaanu weydiinay DG-ga wasaarada beeraha waxa uu nagu yidhi gaadhi hore oo gablilay ka fadhiistay ayaan idiin soo cantatabi.

Wasaarada cadaalada

Mar uu sarfar ku yimi madaxweynuhu gobolka waxa uu dhagax dhigay jeel iyo bangi welina midna lama bilaabin.

Hadaba wasiirka cadaaladu mar uu ka hadlayey waxyaabaha u qorshaysan wasaaradiisa sanadka 2015-ka muu sheegin wax uga qorshaysan gobolka.

Iyada oo aad loogu baahan yahay Jeel, Dhismaha maxkamaduna yahay 1 qol oo aan wax qalabina oolin.

Intabadan degmooyika iyo dhamaan tuulooyinka oo aan lahayn wax saldhig police ah. Hal saldhig oo laga dhisay Degmada Harasheekh weli lama qalabayn ciidan police- ahna lama keenin. Markaad isku soo wada duubto waxa ay sababayaan inay abuuranto khalkhal amni oo bulshada dhexdeeda ka dhaca.

Wasaarada dib u dejinta

Wasaaradani waxay ka mid tahay wasaaradaha aan xafiisba ku lahayn gobolka iyada oo ay jiraan dad badan oo kusoo barakacay gobolka sida qaar kasoo qaxay dagaaladii kadhacy howdka dhanka xadka Ethiopia ee u dhexeeyey ciidamaada liyuu police-ka iyo dadka shacabka ah ee halkaa dega sanadkii 2012 iyo kuwo xoolihii ka dhamaadeen oo soo galay magaalooyinka  kuwaas oo ay ka mid yihiin dad aad u taabaalaysan qaar agoomaha ah oo ilaa wakhtigaa cidina wax u qaban xukuumad iyo haayadaba.

Iyada oo gobolada kale loo dhisay guryo qaarna u qorshaysanyahiin ayaan gobolkan wax laga qabatay iyo wax u qorshaysani toona aanu jirin

Wasaarada waxbarashada

Gobolka waxa kuyaala 48 dugsi oo 2 dugsi sare yihiin. Ugu horeyn 30 Tuulo oo ka mida deegaanada hoos yimaada Gobolka ma laha wax iskuulo ah, Dugsiyada dhisana qaar kamidi kuma filna tirade ardayda dhigata iyada oo inta badan laba fasal ay kuwada galaan hal qol.

 waxaana ka hawlgala 240 macalin kusaas 140 keliya ay ku jiraan payroll-ka dawlada inta kalena ay tabaruc ku sheqeeyaan.

Taasina waxay dhaawacaysaa tayadii waxbarashada Gobolka.

Goobaha ay dugsiyadu ku yaalaan qaar ka mida dadka degani waa reer guuraa markaa waxay baahan yihiin feeding program si looga hor tago ardayda ka tagaysa dugsiyada.

Joojinta kabkii dawlada hoose bixin siin jirtay dawladaha hoose#

Sanadkan waxa uu joojiyey wasiirka arimaha guduhu kabkii dawladaha hoose iyada oo loo qorsheeyey in diiwaan gelinta iyada ay jirto caqabado badan oo heysta dawlada hoose ee degmada Odweyne sida gaadiid laaan iyada oo dhanka dakhligana caqabadihii aynu soo sheegnay haystaan

Gebo gebo

Madaxweyne siilaanyo markii uu musharaxa ahaa gobolka daadmadheedh wuxuu ahaa gobolkii sida madaxweynaha loo soo dhaweeyey ee rooga cas loo dhiigay

Hadaba maahmaah soomaaliyeed ayaa ahayd “xoorkii laga dhamay xagaagiyo xusuus baa geella lagu xer geeyaa” Ugu dambeyntii madaxweynaha iyo wasiiradaba waxaan xasuusinaynaa inay ku dhaarteen inay sinaan iyo cadaalad ku maamulayaan dalkan dadkiisa. Dhamaan caqabadahaasi waa xaqiiqo jirta oo la taaban karo hadii aan waxba laga qabana waxay noqon doontaa inay ka tashadaan dhamaan waxgaradka iyo aqoonyahanka gobolka daadmadheedh.

Maayar-xigeenka Oodweyne Maxamed Cumar Cilmi