Guddiga Qabanqaabada Shirka Dhallinyarada Qaranka Oo La Kulmay Siyaasiyiinta Madaha Wada Tashiga

0
647

Picture2Hargeysa(Geeska):-Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland ayaa kulan hadhimo sharafeed ah u sameeyey qaar ka mid ah dhalinyaradii muddooyinkii danbe waday abaabulka iyo qaban qaabada shirka dhalinyarada Somaliland ee lagu qabanaayo Magaalada Cadaadley.

Kulankan oo ahaa ka dhacay Xarunta Hido-Dhawr ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ugu horeyn halkaasi ka hadlay Md:Deeq Cabdilaahi Cawaale   Cabdilaahi Cawaale  oo kamid ah dhalinyarada wada qaban qaabada shirka dhalinyarada Somaliland,waxaana uu ugu horeyn uu faah faahin ka bixiyey u jeedooyinka shirka dhalinyarada Somaliland ee ay qaban qaabadiisa wadaan qaar ka tirsan dhalinyarada Bariga Magaalada Hargeysa,waxaana uu carabka ku dhuftay in aanay cid gaar ah aanay  wax ku yeeli doonin,isaga oo sida oo kalena tilmaamay in shirkaas lagu gorfayn doono sidii ay dhalinyarada Somaliland ay doorkooda uga ciyaari lahaayeen Arrimaha Siyaasada ee dalka.

"Hawshan aanu wadno oo ah hawl dhalinyaro,waxba yaan sas laga qaadin cid gaar ah oo aanu u jeedna ma jirto,cid gaar ah oo aanu ugu adeegaynaana ma jirto.cidna kuma duulimaad nihin.Dawladu waa dawlada yadii dumin mayno,laakiin waxaanu jecel nahay in aanu waxii ka qaldan in aanu saxno oo aanu u aragnay dhalinyaro ahaan in ay waxbadan ay qaloocan yihiin,taana waxaanu rajaynaa in aanu dhalinyaro ahaan aanu ku saxno,anaga oo u marayna nidaamka saxda ah oo dalkan cid nooga lexlo jeclo badani ma jirto.Hadana waxaanu gacanta aanu ku haynaa Qorshayaashii shirka(Ajenda),oo ay ugu muhiim san tahay sidii ay dhalinyartu door siyaasadeed ay wadanka ugu yeelan lahaayeen,iyo sidi ay uga qayb qaadan lahaayeen dhaqaalaha wadanka iyo horumarka.iyo sidii tahriibta looga baajin lahaa ee dhalinyarta loogu abuuri lahaa shaqo"Ayuu yidhi Deeq

Ugu danbayntiin waxaa sida oo kale halkaasi ka hadlay mid ka mid ah Siyaasiyiinta Madasha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka,waxaana ay sheegay in ka Madal ahaaan ay mar walba barbartaagan yihiin dhalinyarada Somaliland,kuna boorinayaan in ay doorkooda ka ciyaaraan sidii ay Mujaahidiin ku bahoobay Madasha Wada Tashiguba ay iyaguna doorkooda uga qaateen sidii ay dalkan dib u xoreyn lahaayeen.

"Anigu waxaan idin leeyahay idinka ayaa xoogii wadanka ah idin ka ayaa codka bixiya oo VOte-ka bixiya,waanu ridaynaa dawladan oo farta ayaa aynu ku ridaynaa.sharcibaana ay madax inoogu tahay,Wasiirku waxaa uu wasiir idiin yahay marka uu sharciga idin ku dhaqo haddii uu sharciga ka baydho oo uu guryihiina idiin ku yimaado xaqbaa aynu u leenahay in aynu gurigiisa ugu tagno.markaa idinka oo aan sharci jabin nin markasta idiin hanjabayaa waa in uu ogaadaa wakhtigiinii waa dhan yahay Saxiib.Markaa dhalinyarada waxaan leeyahay Madashu waa ay idin joogta,Madashu waa Awoodii Wadankan Xoreeyey waa dhiigii wadanka,waana laf dhabartii.Inan yar oo kolba faqash daqiiqadihii u danbaysay,in uu kolba dhinac u cararaya oo kolba odayaal u yeedhay,haddii uu idin qaban karo dee ha idin qabto ee bal daaya”Ayuu yidhi mid ka mid ah Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada Tashiga Somaliland.