Doodda Madaxweyne Siilaanyo Ee Aqoonsiga Qaddiyadda Somaliland Iyo Dareenka Dawladda Ingiriiska Ee Wargeyska The Guardian

0
529

Picture7Hargeysa(Geeska/the guardian)-Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa wadanka Ingiriiska, ayaa shalay baahiyay warbixin uu ka qoray Somaliland, isagoo la kulmay Madaxweyne Siilaanyo iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee Ingiriiska.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sida uu Wargeysku sheegay wuxuu si adag u soo bandhigay cadaymaha sharci ee ay leedahay qaddiyadda Somaliland. “Wadamo kale ayaa aqoonsi raadinaya sida Catalonia iyo Sctoland, waana wax na dhiirigelinaya.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu, oo intaas raaciyay, “sidayada ayaanu annaguna sidoo  madaxbanaanidayada u raadsanaynaa.” Waxa kale oo uu madaxweynuhu sheegay in aqoonsigii uu Baarlamaanka Ingiriisku dhawaan siiyay Falastiin ay sidoo kale dhiirigelinayso Somaliland.

Siilaanyo oo la kulmay shirkado maalgashi oo Ingiriis ah, ayaa wuxuu hadalkiisa raaciyay, “Aqoonsiga aSomalialnd iyo horumarka dhaqaalaheedu waa laba arrimood oo aad isugu xidhan. Horumar dhaqaale la’aantii aqoonsigu macno ma leh, Somalialnd waxay u u qalantaa aqoonsiga, muddo dheer ayaanu sugaynay.”

Hase yeeshe afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska oo uu wargeysku soo xigtay, ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uu u yaalo Somaliya iyo wadamada gobalka Geeska Afrika, “Mawqifka Ingiriisku waxa weeye inay Somaliland iyo Somaliya arrinta Somaliland, gobalkuna waa inuu horseed ka noqdaa aqoonsiga wixii isbedel ah ee yimaada.”

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu sheegay in dhaqaalaha Somaliland aad ugu xidhanyahay dhoofka xoolaha nool balse ay raadinayaan jidad kale, “Waxaanu aad ugu tiirsanahay dhoofka xoolaha, laakiin waxaanu jeclaan lahayn inaanu horumarino kalluumaysigayaga, sababtoo ah waxaanu leenahay xeeb aad u dheer iyo sidoo kale khayraad macdano ah.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.