Qoloba Dhaqankeedu Waa Cayn: Dumarku Qurux Ka Daya In Ay Dibnaha Jeexaan Si Shuuliyo Loo Geliyo

0
588

Picture8Addis Ababa (Geeska)- Hore ayaa ay soomaalidu u tidhi, “Nin aan dhul marin dhaayo la’…” waa xikmad guun ah oo ina tusaysa in mar kasta oo aynu tagno dhul aynaan hore u arag aynu korodhsanayno aqoon iyo waayo-aragnimo hor leh, haddaba waxaa arrintan soo taabtay koox ah warfidiyeen u dhashay dalka Australia oo diyaarinayey filim dhuukumanteri ah oo ku hadlaya Koonfurta Itoobiya, kuwaas oo la kulmay gabadh la sheegay in ay tahay tan dunida oo dhan uu daloolka dibinteedu ugu weyn yahay. Kooxdan warfidiyeenka ah oo uu madax u ahaa filim-soo-saare Abraham Joffe ayaa intii ay dhulkaas joogeen ogaaday in dhaqan ahaan deegaankaas ay dibintu tahay astaanta quruxda iyo gabadhnimada.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in dumarka qabiilka Surma oo dega deegaanka dooxada Omo ee koonfurta dalka Itoobiya, ay dumarka ku qurxiyaan in dibinta hoose inta la dalooliyo kadibna la geliyo shuuli u dhigma kan dumarku gacanta ku qaataan sida sawirka ka muuqata ama marara qaarkood walax ka sii weyn. Kooxdan warfidiyeenka ahi waxa ay la kulmeen Eligidagne oo ah in 20 jir ah oo u dhalatay dalka Itoobiya, sida sawirka ka muuqatana waxaa dibinta ugu jira bir weyn oo sida giraanta u samaysan, cabbirkeeduna uu yahay 19.5 Sentimitir, taas oo xidhashadeeda ay u aragto qurux. Eligidagne waxa ay daloolka dibinteeda gelisaa giraan qori ka samaysan, kaaas oo marka uu muddo ku xidhnaado aakhirka dibintii u ekeysiinaya giraan ama wasaaq ka soo lusha.

Dhaqankan ah in hablaha dibinta loogu sameeyo dalool la geliyo giraan ka samaysan qori ama inta badan dhoobo 

Picture9

gaar ah oo loogu tala galay ayaa dumarka Surma ay ku soo dhaqmayeen tan iyo sannadkii 1896kii, waxa aana caado ahaan ay aaminsan yihiin in uu yahay hab ay gabadhu ku soo jiidanayso raga ay guurka ka doonayso. Sida uu ku waramay Wargeyska Daily Mail caadadan ayaa sidoo kale ah calaamad lagu garto in gabadhu ay ka dhalatay qoys meel sare kaga jira bulshada, dhaqaalihiisuna buuran yahay, sidoo kale waxa ay ka mid tahay sababaha ay gab

adhu xilliga guurka ku hesho meher badan, iyada oo mar kasta oo dibintaasi sii weyn tahayba uu meherkeeduna sii badanayo.

Dumarka Surma waxa ay ku dadaalaan in giraanta ay dibinta gelinayaan noqoto mid qurux badan oo lagu xardhay sawiro iyo midabbo, halka dumarka qaarna ay ku dhex qoraan xuruufta uu magacooda ka kooban yahay. Arrinta yaabka lihina waxa ay tahay in midabbadaas iyo xaradhkaas ku dhex yaalla giraanta dibinta ugu jirta gabadha ay raga qabiilkaasi si fiican ugu kala garan karaan gabadha xaaska leh, ta carmalka ah iyo gashaantida. Si kastaba ha ahaato ee dhaqankaas oo dabcan nabarro u samaynaya dibinta isla markaana arxan darro badani ka muuqato ayaa uu warku sheegayaa in dowladda dalka Itoobiya ay waddo dadaal ay doonayso in ay ku mamnuucdo.