Dalka Jabuuti Oo Doonaya In Uu Internet Xawaarihiisu Sarreeyo Oo Ganacsi Ah Gaadhsiiyo Dalalka Bariga Afrika

0
716

Picture3

Djibouti (Geeska)- War uu faafiyey wargeyska Daily Mail oo uu Geeska Afrika soo akhriyey ayaa lagu sheegay in dalka Jabuuti uu kor u qaaday ganacsigiisa dhinca internet ka oo uu doonayo in uu gaadhsiiyo guud ahaanba dalalka Bariga Afrika. Warkan waxa ay wakaaladdu ku sheegtay in xawaaraha internetka ee bariga Afrika uu weli aad u gaabis yahay isla markaana dadka la xisaabiyo lacag aad u qaaliya, laakiin hadda kadib ay shirkad tiknoolajiyadda ka shaqaysata oo fadhigeedu yahay Djibouti  damacsan tahay in ay gacan ka geysato wax ka beddelka dhibaatada ka jirta internet ka. “Shirkadda Djibouti Data Center oo magaceeda loo soo gaabiyo DDC oo ay ku shuraakoobeen maal-gashadayaal caalamiya iyo kuwo u dhashay dalka Jabuuti ayaa 18 bilood ka hor laga dhisay dalka Jabuuti, waana xaruntii ugu horreysay Bariga Afrika ee macluumaadka iyo internet is-dhaafsiga oo isku xidhaysa Siddeed xadhkaha internetka ee badda hoosteeda mara ah (Fibre Optic Cables) kana mid ah khadka guud ee internet ka isaga gudba Yurub iyo qaaradda Eeshiya” ayaa lagu yidhi warkan oo uu Geeska Afrika ka so oo xigtay Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, isaga oo intaas ku sii daray in khadkaas internet ku uu ka soo gudbo dhinaca badda Mediterranean, kadibna uu soo maro badda cas oo uu uga sii gudbo dhinaca badweynta Hindiya, isaga oo sii maraya xeebaha dalka yar ee Djibouti oo u dhexeeya dalalka Ereteriya, Soomaaliya (Somaliland) iyo Itoobiya.

Macaamiisha Internet ka isticmaasha ee Afrika ayaa faa’ido aad u yar ku qaba xadhkahan xeebaheeda mara, sababtuna waa ku-xidhnaanta xadhkaas oo aad u yar, waana arrinta ay hadda doonayso shirkadda DDC in ay ka faa’idayso, iyada oo qorshaynaysa in ay saldhigyadeeda ku soo fidiso dalalka Kenya, Itoobiya, Koonfurta Sudan iyo Soomaaliya (Somaliland), kuwaas oo horumarkooda dhinaca internet ku uu yahay heerar kala duwan.

“Waxaa laga yaabaa Jabuuti lafteeda in suuqeedu uu yar yahay, laakiin shirkadda DDC waxa ay u adeegaysaa in ay noqoto marin xarun u noqda malaayiinta macaamiisha ah ee ku nool dalalka deriska la ah ee Bariga Afrika” Sidaa waxaa yidhi, Anthony Voscarides oo ah agaasimaha fulinta ee shirkaddan Djibouti Data Center.

Shirkaddani waxa ay adeeggeeda bilowday bishii Saddexaad ee 2013kii iyada oo iskaashi la samaysatay shirkadda isgaadhsiinta ee dalka Jabuuti (Djibouti Telecom) waxa aanay sannadka dambe ku xidhmaysaa ugu yaraan saddex xadhig oo dheeraad ah oo ka mid ah khadka Yurub/Eeshiya. “Afrika taariikh ahaan waxaa caqabad weyn ku ahaa Internet qiimihiisu aad u qaali yahay” ayaa uu yidhi Agaasime Voscarides oo hore u ahaan jiray agaasimaha isgaadhsiinta dalka Australia.

Sida ku cad tiro koob uu soo saaray ururka caalamiga ah ee The Internet Society, Boqolkiiba 15.7 ka mid ah wax-soo-saarka dhaqaale ee dalka Kenya ayaa u baahan in uu helo internet xawaarihiisu sarreeyo, tiradaas oo boqolkiiba 2 keliya ka yar baahida inta badan ee dalalka Yurub u qabaan Internet kan xawaarihiisu sarreeyo, halka dalka Koonfur Afrika ay tirada ka tahay 6.1 boqolkiiba.

Ururka Internet Society waxa uu tiro-koobkaas ku ogaaday in baahida uu wax-soo-saarka dhaqaale ee gudaha dalku u qabo in la helo Internet xawaarihiisu sarreeyaa ay tahay boqolkiiba 60.4, halka dalka Yugaandha ay ka tahay boqolkiiba 31, Sudan-na ay tahay boqolkiiba 7.4.

In ka yar boqoliiba 2 ka mid ah dadka dalka Itoobiya oo tiradoodu ay tahay 97 Milyan ayaa isticmaala Internet. Laakiin shirkadda BuddeComm ee xarunteedu tahay dalka Australia oo dhinaca la talinta ah ayaa warbixin ay bishii hore soo saartay ku sheegtay in suuqa adeegga internet ka xawaarihiisu sarreeyaa uu xaami sii noqonayo. Dalka Kenya oo wax-soo-saarka dhaqaale ee guduhu boqolkiiba 39 ku tiirsan yahay internet ka ayaa ah suuqa ugu weyn gobolka, isla markaana ah dalka afaraad ee ugu badan Afrika oo dhan, dalka Madagascar ayaana ah kan ugu sarreeya qaaradda Afrika oo dhan.

Qorshaha shirkadda DDC waa in ay xarumo macluumaad oo yaryar ka furato dalalka bariga Afrika, kuwaas oo u ogolaanaya shirkadaha isgaadhsiinta ee gobolka ka jira iyo shirkadaha xadhkaha internet ka isticmaala iyo kuwo kale ee dalalkan ka jira in ay helaan kadin ay u maraan xadhkaha badda hoosteeda mara ee Jabuuti iyaga oo halkaas uga sii gudbaya xarunta weyn ee Internet ka. Xadhkaha badan ee ay ku xidhnaanayso shirkaddanina waxa ay yaraynayaan culayska dhinaca internet ka ay ku keeni karaan macaamiisha badani, waxa aanay dhimayaan dhibaatada dalalkan ka soo gaadhi karta, haddii xadhkaha midkood go’o, sidoo kale waxa ay kor u qaadaysaa awoodda isticmaalka internet ka. Sidaas waxaa ku doodaya agaasimaha shirkadda DDC, laakiin weli ma’uu sheegin illaa inta uu gaadhsiisan yahay korodhka ku xidhnaanta iyo weliba qiimaha is dhimayaa inta uu le’eg yahay. Sidoo kale agaasimuhu ma’uu xaddidin waqtiga uu qaadan karo qorshahan ay doonayaan in ay isku ballaadhiyaan suuqa internet ka ee Bariga Afrika.