Maxay Somaliland Ka Soo Faaiiday Shirkii London, Maxaase Cashar Ah?

0
722

Picture2London(Geeska)-Waxa maalintii ay taariikhdu ku beegnayd 14/10/2014kii magaalada London ka dhaca kulan lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee yaal Somaliland, waxaana Madawyenaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo tiradii ugu badnayd abid ee wasiiro Somaliland ah mar qudha u raacan madaxweyne Somaliland ah shir ama kulan maalin kali ah dhacaya, uu soo jiitay badi shacbiga Somaliland. Waxaana shirku yahay wax ugu badan ee ay hadal hanydoonto bilaha soo socda xukumadu, halka shacbigu laftiisuna iska weydiinayo waxa xigi doona ee ka soo baxay shirka oo aanay wada fahansanayn waxa uu u xambaarsan yahay Somaliland.

Shirkan xukumada madaxweyne Siilaanyo waxay qaranka uu ugu celcelisay in dawlada Britain ay u qabanayso, ahase ahaatee waxa uu ahaa mid ay qabashadeed wada la haayeen labada dawlaadood sida wasiirka dawlada Britain u qaabilsan horumarinta caalamiga ah, Lynne Featherstone uu ku cadeeyeyy qoraal uu soo saaray xafiiskiisu isla maalintii shirka oo uu ka hadlay, qoraalkaas oo ku sinaa hadalkii uu shirka ka jeediyey isla maalintaas, kaas oo ereyad uu yidhi ay ka mid ahaayeen  " Waxa kaliya ee dhimi kara ku tirsanaanta samafalka caalamiga ah iyo ku tiirsanaanta xawaaladaha waa iyadoo maalgashi, ganacsi iyo shaqooyin la helo, dadka (Somaliland) waxa ay rabaan fursado shaqo iyagu leeyihiin ay kaga bixi karaan saboolnimada" hadalkan oo xoojinayey sida dawlada British ku u taageersan tahay helista Somaliland ay hesho maalgashi abuura shaqooyin iyo horu mar dhaqaale. Shirkii London ee maalgashiga Somaliland sidii aan qoraaladii aan soogaliyey bogga aan ku lee hayay oo Faceboog-ga aan hore ugu sheegay waxa qabanqaabada shirka gacanta ku hayey shirkada la yidhaa Developing Markets Associate, taas oo ah shirkad saamayn weyn ku leh shirkadaha wax maalgashada, abuurtana bar kulan ay ku kulmaan wadamada  ilo dhaqaale oo la kobcin karo leh iyo shirkadah haya aduun ay ku maalgalin karaan. Sida madax shirkadan DMA,  Roger Martin oo aan wareysi kala yeeshay shirkii maalgashiga Somaliland isla maalintii uu socday uu ii sheegay in shirku Somaliland u soo hoynayo fursad, balse ay tahay mid bilow u ah dariiq dheer oo ay u marayso maalgashiga xili ay wali sugaal u tahay aqoonsi diblamaasiyadeed oo soo gabogabeedya isku murgunaanta dalalka Soomaaliya iyo Somaliland oo badi wadamada caalamu Somaliland lugta ugu mara Soomaaliya oo mar walba cidhifka ka haysta Somaliland, badina abuura isku murug macluumaadka laga bixiyo Somaliland iyo Soomaaliya. Inkastoo shirkii London uu ahaa mid ganacsato badan oo ajaanib ah oo aan hore aqoon sidaa u sii dhigan u lahayn Somaliland uu u kala iftimiyey kala duwanaanshaha labadan dal ee taariikhda kus siman ilaaa sodon sano ay isku dabartay. Habkee ayuu ahaa qaabkii ay wax u soo bandhigeen xubnaha wasiirada oo culaysku saarnaa intii shirku socday, mase loo baahnaa in tirada intaa leeg masuuliyiin dawlada ahi tagaan?  Shirka oo lahaa qaab loogu tala galay in uu u dhaco, isla markaana qaybo googoos ah ahaa ayaa intii uu socday waxa si weyn u muuqanayey heerarka kala duwan ee waayo-aragnimada ay u lee yihiin habka loo sameeyo soo-ban-dhigida casriga ah ee wax lagu fahansiiyo dadka xubnihii xukumada ee halkaa la shirtagay in ay soo bandhigaan macluumaad ay ku fahmi karaan shirkadihii goobta u yimid in ay dhageystaan waxa ay fursad maalgashi hayso Somaliland.  Aqoonta luqada afka shirku ku socday oo ahaa Ingiriisi ayaa muhiim u ahaa qofkastoo shirka fadhiya, ujeedo kastoo uu u yimidba, tanina waa ta iftiimisay heerka fahanka wixii ay Somaliland iibinaysay ee shirkadaha caalamiga ah soo hordhigtay. Tusaale ahaan wasiirada meesha marayey ma wada ahayn kuwo aqoon buuxda u leh luqada Igiriisiga, hab-macaamilka loola macaamilo dadka ajaanibka ah ee ganacsatada ah iyo hanaanka loohadlo ee wax lagu gubiyo. Waxa jiray xubno wasiiro ah iyo kuwo kale oo qoraalo dhaadheer oo lagu lifaaqay muuqaalo lagu arko laliye muujinaya sawiro iyo qoraalo (projector) ku soo gudbiyey wixii macluumaad ah ee ay soo diyaarsadeen, hase ahaatee markii la gaadhaay xiligi su'aalaha iyo jawaabaha, si wax looga sii ogaado wixii ay warqadaha ka akhriyeen, waxa si weyn u soo baxday in ay ku adkatay in ay wax su'aal ah kaga jawaabi karaan afkii shirku ku socday, waxaana soo baxday in ay ahaayeen kuwo qoraale aad moodid in ay soo xafideen meesha la shir yimid, balse aan kuba xisaabtamin jawaabista dambe. Tanina waxa ay keentay in ganacsatada meesha maraysay ay qaar badani la waabtaan su'aalahooda maadaama ay arkaan in ayna helay jawaabo toos ah oo ka yimaad xubnihii warqada akhriyey, inkastoo ay jireen xubno wasiiro ah oo iyagu aqoonta ay afka shirku ku socday ee Ingiriisiga u lahaayeen uu ka wanaagsanaa kuwa kale, haddana waxa jiray in qaar lagu tiriyo in wadama dibada ay ka yimaadeen oo wasiiro ahi ka maqnayd hanaanka wax loo soo bandhigo. Laakiin wax jiray xubno kale oo isla wasiirada meesha ka hadlay oo aad ay u wanaagsanayd soo badhigooda, balse dhanka su'aalaha ahaa kuwo muujinayey in ayna jecelaysanayn, waliba marka su'aaluhu ka yimaadaan dad reer Somaliland ah. Ka sokow sida guud ee shirka oo la odhan karo waxa uu ahaa guul, haddana waxa aan marnaba laga tagi karin in uu jiray qaab xumo ka muuqtay xubnaha xukumada ee meesha ka hadlay, kuwaas oo ahaa kuwo ay ka ahayd aqoondaro, waayo arg la'aan iyo sidoo kale qaarkoodana iyagoo aan meesha shirka ku qornayn in ay ka hadlaan ay si qaab daran oo ka aradan nidaamka wanaagsan ee shirarka noocan iyo asluubta guud ba u soo dhex galayey, iyadoo markaa moodayey in ay wax wanaajinayaan, ama ay caawinayaa saaxiibadooda ku raftay su'aalaha ama habka -wax u soo gudbinta.  Dhanka kale wax jira xubno aan xukumada ka mid ahayn, sida marwo Edna Adan balse ka mid ahayd inta shirka ku qornayd in ay ka hadasho ayaa intii aan la soo gaadhin xiliga loo qoondeeyey oo ahayd gabogabada shirka, ayaa haddan marar badan ka maarsan weday in ay soo dhex gasho xiligii su'aalaha, si ay uga jawaabto su'aalaha ay luqada oo ku adkayd iyo hab aqooneed uga jawaabistooda oo liidatay awgeed ay Edna ka saarto iyadoo si hufan oo waayo aragnimo iyo aqoon buuxdaa ka muuqato.  Marka habii ay wax u soo bandhigeen aad loo eego, waxa muuqday goldoloolo badan oo u baahan in ay iska awdaan doorka dambe ee shir noocan oo kale yimaad. Arintase aadka u wanaagsanyd waxa ay ahayd iyagoo shirka kadib kulan wada qaatay madaxweynaha iyo dhamaan xubnihii ku wehelinayey shirka, iyagoo kula nku yeesha isla huteelkii shirku ka socday. Inkastoo xubnaha qaar aanay jeclaysan kulankan dambe ee ay dib ugu eegayeen, haddana markii ay dib uga wada hadleen wax u hagaagay iyo wax ka xumaaday, waxa soo baxay in ay jireen xubno wasiiro ah oo goobta farta lagu fiiqay oo ay ku jiraan kuwo aan shirka ku qornayn in ay ka hadlaan, kuwaas oo khaladaadkii iyo qaabkii liitay ee ay shirka dhankooda ka yeeleen la taabsiiyey, qirtayna isla markaana raali galin bixiyey, ( uma baahna in ay sheeg shegno, laakiin waa ay iswada og yihiin).  Su'aasha ah ma loo baahnaa tirada intaa leed ee shirka timid ee dhanka xukumada, wax aan weydiiyey Roger Martin oo ah madax DMA oo iyagu dawlado kala duwan u qabta shir noocan oo kale ah.  Roger Martin waxa uu ii sheegay in ay caadi tahay in tiro intaa leeg oo xukumadi timaad shir noocan oo kale ah, waxayna muujin kartaa ayuu yidhi sida ay uga go'an tahay Somaliland in ay hesho maalgashadayaal.

Faa'iidada uu u lahaa Somaliland shirkii London.

Shirkii London inkastoo sida aynu dareemayno xukumada Siilaanyo oo iyadu ah ta dalka ku hagaysa siyaasadaha ay u aragto in dalku ku horimari karo ay tahay ta ugu badan ee faa'iido dhow ka doonaysa, si ay ugu darsato ololaha siyaasadeed ee ay ku doonayaan in loogu daro liiska waxqabad ee ay fuliyeen mudadi loo doortay hogaanka dalka oo haatan gabogabo ku dhow, mar kalena kursiga hogaanka looga fadhiyo in ay badka soo dhigto si loogu tartamo si la mid ah sidii ay ku heshay hogaaminta dalka mudo ka yar ilaa siddeed bilood ka dib. Balse marka loo dhaadhaco faa'idada uu Somaliland u soo hooyey, waxa shirku daaha ka rogay fursadaha ay heli karto Somaliland in shirkadaha waa weyn ee wadamada dhaqaalaha weyn ka soo jeedaan ay ku sameyn karaan.  Taa waxa u dheer shirkadaha waa weyn ee maalgashiga laxaadka leh sameeya, sida qodista macdanaha, shidaalka iyo khayraadka kale ee sida dabiiciga looga helo Somaliland oo iygu haddii ay ku soo dhiiradaan Somliland, isla markaana loo diyaariyo hab nidaamsan oo hufan oo ay ku dagi karaan Somaliland, taas oo faa'iida ugu weyn ee la isku raacayaa ay tahay in ay soo dadajin karaan helista muftaaxa ay Somaliland saddex iyo la baatankii sano ee ugu dambeeyey mar ba heer ugu hawlgalaysay helistiisa – waa ka dhagaheena ka batay ee aynu u naqaan 'Aqoonsi', kaas oo la odhan karo waa uu ka badhmaqan yahay ee kama wada maqna marka aad eegto qaabkii uu u dhacay shirkan London ee aynu hadal haynaa, waayo shirku waxa uu u dhacay sidii dawlad aqoonsi buuxa haysata, waxa fadhiyey safiirka dalka Britain, Niel Wigan iyo xubno wasiiro ah oo miisaan ku leh xukumada uu hogaamiyo David Cameron, raysal wasaaraha UK.

Faa'iida shirkan ayaa iyaduna wax muujiyey ma ahayn tirada ka soo qaybgashay oo ay haweenayda duwaangalinta shirkadaha iyo shaqsiyaadka matalayey, iyo sidoo kale dadka reer Somaliland ee danaynayey maqalka fursadaha dalka ka jira, duwaangalisay intii shirka timid, waa Krystal Simpson oo aan kala sheekaystay tirada ay leekaayeen intii ka soo qayb gashay oo ay iigu sheegtay in kabadan laba boqol iyo konton xubnood (250) marka lagu daro xataa intii xukumada ka socotay oo iyadu aan sidaa tiro ahaan u yarayn. Waxase jiray tayo badan oo ah dhanka shirkadaha ku cusub quudaraynta Somaliland iyo fahanka faerqiga u dhaxeeya Somaliland iyo dalka dhiban ee Soomaaliya oo in badan la isku dhafo sobobo la xidhiidha macluumaadka Somaliland oo inta badan lagu bixin fagaarayaal noocan oo kale ah ee shirkii London lahaa.

 Sidoo kale faa'iidada shirkan Somaliland u soo hooyey ayaa ahaa mid Somaliland ku kasbatay saaxiibo rajo galiya dhanka maalgashiga, kuwaas oo ay ka mid yihin shirkado waa weyn oo badi walaac ka qaba in ay maal gashadaan wadamada Geeska Afrika oo sumcadooda deganaansho tahay mid aad u liidata.   Hase ahaaatee macluumaadki badnaa ee meesha la keenay ee Somaliland ku saabsanaa iyo masuulintii cuslaa ee iskugu jiray dad caan ah oo ganacsato iyo kuwo dhanka siyaasada iyo saxaafadaba leh ayaa iyadna dhalisay in Somaliland u soo baxdo fagaare cusub oo markan keenaya in ay ku yeelato saaxiibo cusub oo miisan kule fagaarayaasha waa weyn ee dawladaha iyo shirkadaha wax saameeyaa ku kulmaan. Roger Martin oo ah madax shirkada isku duba riday kulankan lagu soo badhigay fursadaha Somaliland yaala, ayaa ka mid ahaa dadkii ajaanibka ahaa ee aan kala sheekaystay shirkan iyo faa'iidada ugu jirta Somaliland. Roger Martin waxa ka hor intii aanan ka duubin wareysi kooban, oo aanu si guud uga wada hadalnay nooc uu noqonayo shirku marka loo eego kuwo hore oo ay u qabteen wadamo kala duwan, sida Djibouti iyo kuwo ku yaal Afrika, ayaa isagu si niyad ah iigu sheegay in shirku ahaa mid aad u weyn oo u dhacay qaab aanay malaysan markii hore balse rajo ugu jirtay in cid uun uga jawaabto martiqaadkii ay u fidiyeen shirkado waa weyn oo cayiman. Hase ahaatee Martin oo aan weydiiyey bal in uu sheego faa'iida ugu yar iyo ta ugu weyn, waxa uu ii sheegay in ta ugu yari tahay imaanshah fagaaraha noocan ah oo Somaliland siinaya barasho cusub. Ta labaad ee ugu weyn ee uu ii sheegay ayaa uu ku tilmaamay in ay tahay iyadoo ay jiraan shirkado badan oo durba danaynaya in ay maalgashadaan Somaliland, kuwaas oo shirkan ka hor aan haabka ku hayn in ay Somaliland dhankeeda sooba dayaan, waxase uu intaa raaciyey, waa dariiq bilow ah oo aad u dheer, balse midha dhal leh haddii Somaliland isku nidaamiso jidkaa dheer. Mudadii uu shirka oo siddeed qaybood u kala baxayey uu socday waxa intaa hoos socday is barashada iyo kala qaadashada macluumaadka xidhiidhka shirkadihii ay soo jiiteen faahfaahintii iyo soo bandhigii macluumaadka fursadaha yaal Somaliland, taas oo sidoo kale ay jirtay wada sheekaysi shirkadaha hore u maalgashaday Somaliland iyo kuwo muujiyey quudaraynta ee ay Somaliland ku cusubayd. Marka aynu soo duubno warbixintan, waxa shirka la odhan karaa waxa uu ahaa sidoo oo uu ahaa goob nin saylad geeyey xoolihiisii iiban la doonay, waxna la baayacay, waxna laga iibsaday, hase ahaatee lagu ogaaday in uu hayo xoolo uu iibiyo, doordambena loo baahanyo in uu saylada yimaad. Sayladaas oo aan dambcan ahayn mid u dhigan ta tan xoolaha nool la keeno, waase mid lagaa doonayo in aad la timaad nidaam iyo hab aad ku soo jiidan akrto kan wax kaa ibsasnaya, oo ah ka wax maalgashanaya, sida shuruucda dalka ee maalgashi, faa'ido qaybshiga shirkadaha iyo qaranka, iyo nidaamka cashuuraha ee ku wajahan maalga cidii samaynaysa.

Sida uu madax shirkada shirkaa qaban qaabisayna ee DMA, Roger Martin, waa mid Somaliland u ah bilow dariiq dheer, balse leh midho dhal. Midha dhalkuna waxa uu ku xidhana yahay dadaalka dhan walaba ee Somaliland, shicib, ganacsato iyo xukumad, tii kastee dalka hagaysaba.

Cabdillahi Maxamed Cali

Saxafi ka tirsan Star Media Corperation -London

abdillahima@yahoo.ca

London -UK