“Waxaan U Sharaxanahay Doorashada Baarlamaanka’

0
631

Picture1?Hargeysa (Geeska) Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug oo ku magac dheer Buraale ayaa shaaciyey inuu u taagaan yahay doorashada Baarlamaank ee soo socota, waxaanu sidaas ku sheegay war-qoraala oo uu soo saaray. War-saxaafadeedka murashax Buraale ayaa u dhignaa sidan

“Aniga oo ah Cabdilahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) waxaan halkan manta oo ay bishu tahay 22 -10-2012 kaga dhawaaqayaa in maanta laga bilaabo aan u sharaxanahay doorashada golaha wakiilada ee la qabandoono 2015.

Marka aan arkay in aan shaqadaas qabankar. Marka aan latashaday aqoonyahanka waxgaradka bulshada reer Somaliland Inbadana ka fikiray waxaan go’aansaday in manta laga bilaabo aan isu taago doorashada golaha wakiilada ee soo socota .

Aniga oo u sharaxan dhamaan bulshada reer Somaliland gaar ahaan dhalinyarada.

Aniga oo khibrad iyo aqoon buuxda u leh ummadana in badan uga shaqaynaayay arimaha bulshada,   in badanna kusoo dhex jiray arimaha bulshada iyo wax u qabadkooda, imikana u taagan horumarinta bulshada gaar ahaan dhalinayarada Somaliland iyo da’yarta  mustaqbalkoodu ifaayo .

Waxan rajaynayaa in aad igu taageeri doontaan Iguna gacan siin doontaan musharaxnimadayda  golaha wakiilada hadii alle idmo”.