Rakaab Yuhuud Ah Oo Argagax Iyo Cadho La Sara Kacay Markii Ay Shaashadda Diyaaradda Ka Arkeen In Ay Ku Jihaysan Yihiin Magaalada Barakaysan Ee Makkah

0
517

Picture9London (Geeska)- Buuq iyo dagaal ayaa ka dhex dhashay rakaab Yuhuud ahaa iyo shirkad diyaaradeed oo laga leeyahay dalka Ingiriiska. Buuqani waxa uu dhashay markii dadkan yuhuudda ah oo safarkoodu ku jihaysnaa magalada xarunta Israa’iil ee Tel Aviv ay si kedis ah shaashadda diyaaradda ee laga dheegto halka ay diyaaraddu ku socoto uga arkeen in ay ku jihaysan yihiin magaalada Barakaysan ee Makkah Al-mukaramah.

Markiiba argagax iyo cadho ayaa ay rakaabkii is madax mareen, waxaana bilowday buuq iyo muran u dhexeeya rakaabka iyo shaqaale hoosaadkii diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha ee BMI. Dadkii rakaabka ahaa waxa ay u arkeen in ay diyaaraddu beddeshay jihadeedii ahayd Tel Aviv, laakiin masuuliyiintii sare ee diyaaradda ayaa markii ay ka war heleen buuqan waxa ay isla markiiba sameecadda kala hadleen rakaabkan oo ay u sheegeen in muuqaalka ka soo baxay shaashaddu uu yahay qalad, farsamo, masuuliyiinta oo sii sababaynaya qaladkan ayaa sheegay in diyaaraddan iyo diyaarad kale oo ay shirkaddoodu leedahay ay yihiin laba diyaaradood oo dhowaan shirkadda BMI ay ka iibsatay shirkadda diyaaradaha ee Charter oo iyadu dhowaan mufalistay (Kacday), waxa ay masuuliyiintani sheegeen in shirkaddaasi ay diyaaraddan u adeegsan jirtay gurista dadka cimrada iyo xajka ugu socda Magaalada Makkah.

 War murtiyeed ay mar dambe soo saartay shirkadda BMI ayaa ay ku tidhi, "Weli maanu beddelin barnaamij maaweelo iyo raalli gelin ah oo diyaaraddani shaashadda uga bandhigi jirtay rakaabkeeda, sidoo kale khadka diyaaraddu ku muujiso jihada ay ku socoto waxa ku xusnaa goobaha barakaysan ee islaamiga ah" dhanka kalana masuuliyiinta Israa’iil oo arrintan ogaaday isla markaana ka war helay in khariidada ay diyaaraddani isticmaalayso aanu ku jirin dal Israel la yidhaahdo ayaa arrintan si adag uga hadlay, waxa aanay ku hanjabeeni n diyaaraddan ay hawadooda ka mamnuuci doonaan haddii aan dhaqso wax looga qaban arrimahan.