Wasiirka Horumarinta Ingiriiska Oo Dawlada Somaliland Kala Hadlay Laba Qodob Oo Muhiim Ah Iyo Jawaabta Ay Somaliland Ka Bixisay

0
583

Picture8Hargeysa(Geeska)-Dawladda Ingiriiska ayaa weli ku dhegan inay doorashooyinka Somaliland ku qabsoomaan wakhtigooda oo ku beegan bishan June ee sannadka dambe ee 2015, waxaanay dawladda Somaliland ka dalbanayaan inay wakhtidaooga ku qabsoomaan.

Wefti ay hoggaaminaysay wasiirka Ingiriiska u qaabilsan horumarinta caalamiga ah Ms.  Lynne Featherstone iyo wefti ay hoggaaminaysay oo shalay safar ku yimid Hargeysa, lana kulmay madaxweyne xigeenka ayaa sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, waxa ay dawladda Somaliland u tilmaantay sida ay muhiimka u tahay in doorashooyinka wakhtigooda lagu qabto iyadoo cadaysay inay taageero doonaan hawlahaas doorashooyinka.

Madaxweyne-xigeenka Md. Saylici, ayaa halkaas ka cadeeyay sida uu warsaxaafadeedku sheegay inay dawladda Somaliland ka go’antahay in doorashooyinka wakhtigooda lagu qabto.

Qodob labaad oo muhiim ah oo ay wasiiradu kala hadashay madaxweyne-xigeenka, ayaa ahaa shirka lagaga hadlayo arrimaha Somalida ee bisha dambe ka dhacaya magaalada Copenhagen ee wadanka Denmark. Shirkaas ayaa waxa qaban qaabadiisa gacanta ku haysa dawladda Somaliya, waxaanay wada shirgudoomin doonaan Qaramada Midoobday. Wasiirka qorshaynta Dr. Sacad oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay kulamo uu wadanka Denmark kula soo yeeshay saraakiil ka socota wasaaradda arrimaha dibadda Denmark.

Warsaxaafadeedkan waxa lagu cadeeyay in xukuumadda Somaliland aanay ka qayb geli karin shirkaas, mar haddii ay dawladda Somaliya qaban qaabinayso guddoominteedana qayb ku leedahay.

Waxase ay xukuumadu sheegtay inay diyaarin doonto warbixin dhammaystiran oo lagu soo bandhigi doono shirkaas.

Madaxweyne-xigeenka ayaa waxa kale oo uu ka codsaday dawladda Ingiriiska inay ku soo biirto wada hadalada Somaliland iyo Somalia  ee Turkiga, waxaanu safiirka Ingiriiska u fadhiya Muqdisho Danjire Neil Wigan, uu halkaas ka sheegay inuu Madaxweynaha Somaliya kala hadlay ahmiyada wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Arrimo kale ayay sidoo kale ka wada hadleen dawladda Somaliland iyo weftiga Ingiriisku, kuwaas oo uu ka mid yahay sanduuqara horumarinta Somaliland ee SDF oo ay dawladu sheegtay inuu faa’iido muuqata ku soo kordhiyay Somaliland.