Madaxweynaha Oo Maanta Kala Cadaynaya Inuu Murashax Yahay Iyo Inuu Ka Tanaasulay

0
512

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu maanta dalka ku soo laabto, ka dib socdaal toddobaad qaatay oo uu ku tagay wadanka Ingiriiska.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo xalay ka soo ambobaxay dalka Ingiriiska, ayaa waxa la filayaa marka uu Hargeysa soo gaadho inuu ka hadlo shirkii maalgashiga Somaliland ee uu ka qayb galay. Waxa kale oo Madaxweynaha laga sugayaa inuu ka jawaabo wararka soo baxay intii uu maqnaa ee sheegaya inuu ka hadhayo tartanka doorashada madaxtooyada ee qoondaysan kale dambe. Inkastoo ay masuuliyiin badan oo xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE  ka tirsani warkaas beeniyeen, haddana madaxweynaha ayaa laga sugayaa inuu si toos ah uga hadlo arrintaas.