Boobe Oo Ka Hadlay Xisbiga KULMIYE Iyo Xukuumadda

0
555

Picture5Hargeysa(Geeska):-Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa sheegay in aanu dalka ka talin Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE,isla mar ahaantaana ay dalka ka taliso oo kaliya Xukuumada looga arrimiyo Madaxtooyada.

Md:Boobe Yuusuf Ducaale ayaa hadalkan ku sheegay mar uu shalay warbaahinta ugu waramaayey magaalada Hargeysa,waxaana uu ayaan darro ku tilmaamay in Xisbiga KULMIYE oo aan dalka ka talin ay hadan doonayaan in ay ka arrimiyaan Masiirka Umadda Somaliland.

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale waxaa uu ugu horeyn uu walaac xoogan uu ka muujiyey waxa ka soo bixi kara safarka ay Saddexda guddoomiye ee Axsaabta Qaranku ugu kicitimeen dalka Kenya si ay wada hadal arrimaha dhinaca Doorshada ah ugala yeeshaan Qaadhaan bixiyeyaasha Somaliland ka taageera Arrimaha Doorashooyinka,waxaana uu carabka ku dhuftay in mar haddii ay Xukuumadii la gorfeeyeen  Axsaabta Mucaaradku arrimaha Doorashooyinka ay meesha ka maqantahay aanay suurta gal ahayn in wax isla gaadhaan.

 “Waxii ay Hargeysa ku wada gorfeeyeen ee Doorashada ku saabsanaa haddii ay fuli waayeen,maanta oo Xukumaddu ka maqan tahay oo Saddexda Gudoomiye ee Xisbiyadu  is raaceen Maxaa go’aan ah ee ay la soo gaadhi karaan Nimankaas Doorashooyinka Somaliland ka taageera? Xaqiiqadu waxay tahay inaanay waxba la soo gaadhi Karin.” Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.

Md:Boobe Yuusuf Ducaale oo hadlkiisa sii wata ayaa waxaa uu sida oo kale uu ayaan darro ku tilmaamay in wakhti xaadirkan ay Somaliland oo hore loog yaqaanay Wada-hadal,Isku-tanaasul iyo heshiisiin arrimaha dhexdooda ah balse hada loogu talinaayo dalka dibadiisa,waxaana uu war war xoogan uu ka muujiyey in haddii ay sidan wax ku sii socdaan halka ay Somaliland ku danbayn karto.

“Waxaa Ayaan daro ah Somaliland oo Aduunyadu ku taqaanay Wada hadal, isku tanaasul, heshiisiin iyo arimahooda oo ay maamushaan oo cidi dibada uga iman oo aan Shir dibadda loogu qaban, in Maanta Nairobi looga yeedhay oo la leeyahay halkaas baa la idinku guubaabinayaa sidii aad doorashooyinkiina u qaban lahaydeen, haddii taasi inagu sii socotana dalkan meel fog baa looga yeedhi” ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale. Ugu danbayntiin Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sheegay in Xisbiga KULMIYE oo hore u tahli waayey qabashada Shirwaynihiisii Golaha Dhaxe uu hadana doonayo in uu ka taliyo Aayaha Somaliland.

“Xisbiga Kulmiye Shirweyne ayuu dirqi iyo tu fool adag ku qabsaday, laba meelood baa la kala fadhiyay, laba Liis oo Golaha dhexe ah baa la qorayay, laba liis oo guddida fulinta ah baa la qorayay, dabadeedna waxay yidhaahdeen waanu heshiinay oo sheekadii way iska dhamaatay. Xeerka Kulmiye Qodobka 30-aad farqadiisa 2-aad waxay dhigaysaa Shiweynuhu markuu dhamaado Bil ka dib in Shirka Golaha dhexe la qabto.Xisbiga tahli waayay ee qabsan kari waayay Shirkiisii Golaha dhexe, ayaa Aayaha Somaliland ka talinayaa mid caqliga galaysa maaha.Waddanka waa lawada joogaa beena la isku maaweelin maayo.Dalkan waxaa ka taliya Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Madaxtooyada Fadhida laakiin Xisbi ka taliyaa ma jiro waana waayo aragnimo hor leh oo cusub” Ayuu yidhi Md:Boobe Yuusuf Ducaale