Ganacsatada Suuqa Gobanimo Oo Si Weyn U Taageeray Maayarka

0
543

Picture3Hargeysa (Geeska)-Ganacsatada ku ganacsada Suuqa Gobonimo ee Magaalada Hargeysa, ayaa taageeradooda u muujiyey Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco), kadib markii khilaaf ka dhex qarxay Golaha Deegaanka ee Caasimadda, waxayna Ganacsatadani sheegeen in muddadii uu xilka hayey Maayarku inuu wax badan ka qabtay Magaalada Hargeysa, wax badan uu qaban doono, waxayna Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Magaalada Hargeysa kula taliyeen inay garab istaagaan oo ay wax la qabtaan Maayarka.

Ganacsatan Suuqa Gobonimo ee taageeray Maayarka ayaa kulan ay Shalay iskugu yimadaan ugu horeyn waxa ka hadashay Fatxiya Axmed oo  sheegtay in dawlada hoos ee uu hogaaminayo Cabdiraxmaan Solteco,Markii ugu horaysay Wax qabad dhab ah ka hir galisay Magaalada Hargaysa. Waxa ay barbar dhigtay Dawladihii hoose ee soo maray Magaalada, waxayna sheegtay inta uu xilka hayay inuu ka wax badan uu qabtay  waxayna hadalkeedii ku bilawday “Waxaanu Tageersanahay Maayarka iyo Xildhibaanada Kaleba,Waxaana laydinka sugayaa inaad Shacabkii idin soo doortay wax u qabataan lakiin inaad Maanta dhexdiina isku buuqdaan looma joogo,Xildhibaanada waxaana leeyahay Maayarkiina ku daba fayla oo Buuqa iyo Sawaxan joojiyay,anagu hadaanu nahay Suuqa Gobanimo waxaanu tageersanahay Maayarka noo hir galiyay Waddooyinkan Badan,wax qabadkana ku suntan.

Maanta Dalku wax qabad ayuu u baahan yahay Lakiin uma Baahna Rag afku xooglayaal ah,waxaanan Xildhibaanada Golaha Deegaanka u sheegaynaa inaanay u suroobayn in ay ridaan Maayarka dabadeena Dhulka iyo Sariibadaha iibsadaan,waxaana leenahay midhaas ha ku bushaaraysanin,Maayarku imika Xilka waxa uu hayaa mudo kooban inta waddo ee uu hir galiyay waad ogtihiin,haddii aydun Dhib la dul joogtaana waa mushkilad Cusub,gacanta la qabta”

Cabdiraxmaan Siciid oo isna ka mid ah Ganacsatada Suuqa Gobanimo oo isn kulan kaasi ka hadlay ayaa yidhi” “Dadkani waxa ay iskugu soo baxeen Tageero ay la garab taagan yihiin Maayarka Caasimada Hargaysa,Waxaanu ku tageeraynaa maayarka waxa uu qabtay oo ay ka mid yahiin laamigaas ina ag maraya imika,Marka labaad Suuqa Gobanimo Mar ayaa la qaybiyay nina Guri ayaa uu qaatay nina Meherada ayaa la siiyay intaas marka ay dhacday ayay xildhibaano u soo tafaxayteen sidii ay u baabiin lahaayeen dadka danyarta ah ugana qaadan lahayeen Dhulka ay dawlada hoose siisay,waxaanu leenahay Maayarku waa nin xalaal Cun ah”.

Shugri Cabdi Rooble oo iyana ka tirsan Ganacsatada ka ganacsada Suuqa Gobonimo ayaa  tidhi  “Hangarkan aynu taagan nahay maanta ee aynu ka dhex hadlayno,waa hagarkii ay nasiiyay dawladii hoose ee Rayaale,Nimanka Maanta halkan Hangarka ka hadlaya ee hungurigu kaga jiro waxaanu leenahay,Waydinkii gudida ka ahaa ee noo qaybiyay maanta hadana nagu haysta,waxaana leenahay maayarka waxaas idinku aad isku haysataan ha ku ceebaynina,Maayarkan waxaanu leenahay hangarka noo hagaaji”.

Guddoomiyaha Gudida Caanaha ee Suuqa Gobanimo Faraw Cali gaas oo iyaduna kulankaas ka hadashay ayaa waxa hadalkeedi ayaa waxa ay tidhi  “Halkan Maanta (Shalay) ujeedada kaliya ee layskugu yimidi waxa weeyaan in la tageero Maayarka Caasimada Hargaysa,waxa uu dhisay inta uu xilka hayay waddooyin badan oo bilic iyo quruxba usoo jiiday Hargaysa,maantana hadii la garab galo wuu kasii wanaagsanaan lakiin hadii isaga uun la cadaadiyo taasi socon mayso”.

Haween Badan oo ka tirsan Suuqa gobanimo ee magaalada hargaysa Ayaan dhamaantood Go’aamo Midaysan isla garab taagay Maayarka Cabdiraxmaan Solteco.