Guddiga Doorashooyinka Oo Sabtida Waajahaya Kalsoonida Wakiilada

0
658

Picture4Hargeysa(Geeska)-Toddobada xubnood ee dhawaan loo xulay guddiga doorashooyinka qaranka ayaa la filayaa inay Sabtida waajahaan kalsoonida golaha wakiilada.

Golaha wakiilada ayaa Sabtida isugu imanaya kalfadhi aan caadi ahayn oo socon doona laba maalmood. Maalinta koowaad ee Sabtida ayaa waxa golaha hortagi doona guddiga doorashooyinka, halkaas oo loogu qaadi doono codka kalsoonida. Toddobada xubnood oo uu saddex kamid ah soo magacaabay Madaxweyne Siilaanyo, labana labada xisbi mucaarad, labada kalena golaha guurtidu, ayaa haddii ay goluhu ansixiyaan waxa ay si rasmi ah u bilaabi doonaan hawlaha doorashooyinka oo qorshaysan inay qabsoomaan bisha June ee sannadka dambe, iyadoo sidoo kale ay ka horayso doorashada hawsha diiwaangelinta cod bixiyayaashu. Guddigan ayaa xilka kala wareegaya guddigii hore ee doorashooyinka oo qabtay laba doorasho oo kala ah doorashadii madaxtooyada oo aanay wax dhibaato iyo buuq ahi ka dhicin iyo doorashadii u dambaysay ee goleyaasha deegaanada oo ay buuq iyo khasaare badani ka dhasheen.