Maalqabeen Dunida Maanta Caan Ka Ah Oo Bilowgii Noloshooda Ahaa Budhcadda Internet Ka (2)

0
580

Picture7Washington (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika, si kooban ugu soo bandhigayey, qaar ka mid ah maalqabeenka dunida maanta caanka ka ah iyo qaabkii foosha xumaa ee ay noloshoodu ku soo bilaabatay:

3. Mark Ellioit Zuckerberg: Waa maalqabeen Maraykan ah oo dhashay 1984kii waxa aanu caan ku yahay Mark Zuckerberg. Waa barnaamij sameeye Kombiyuutar, iyo maaglashade Internet ka ah, waxa aanu ka mid yahay Shan qof oo wada aas-aasay degelka bar-kulanka-bulshada ee Facebook.

Laga soo bilaabo bishii Afaraad ee 2013ka waxa uu ahaa guddoomiyaha iyo agaasimaha fulinta ee shirkadda Facebook, bishii toddobaad ee sannadkanna hantida uu haysto waxaa lagu qiyaasay 33.2 Bilyan oo doolarka Maraykanak ah, arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in Marck Zuckerberg uu shirkaddan uu labada shaqo ka hayo bishii mushahar uga qaato Hal Doolar oo keliya. Laakiin Mark Zuckerberg oo sannadkii 2007da isaga oo 23 sano jiray noqday Bilyan-dheer, waxa ay lacag xad dhaaf ahi ka soo gashaa faa’idada uu ku helo saamiga uu shirkadda facebook ku leeyahay, tan iyo sannadkii 2010kana waxa uu ka mid ahaa 100 qof ee dunida ugu maalqabeensan uguna saamaynta badan. Sannadkii 2011kana waxa uu noqday Yuhuudiga dunida oo dhan ugu saamaynta badan.

Marka aynu in yar eegno dhinaca madow ee taariikhda ninkan dhalinyarada ah, sannadkii 2004-ta oo ah isla markii ay isaga iyo saaxiibbadii aas-aaseen Facebook,  waxa uu jabsaday Mark Zuckerberg macluumaadka laba saxafi oo ku soo biiray.

Picture84. Jan Koum: Waa Maraykan isirkiisu Yuhuudi yahay oo ka soo jeeda dalka Ukraine, waxa uu dhashay sannadkii 1976kii, waana injineer Kombiyuutar iyo maalqabeen caan ku ah maalgashiga internet ka. Koum waa agaasimaha fulinta ee shirkadda WhatsAPp oo ay wada aas-aaseen isaga iyo Brain Acton oo isna Maraykan ah. WhatsApp waa barnaamij mobile oo fududeeya in dadku ay isku dhaafsadaan farriimaha, kala duwan. Barnaamijkan oo dunida oo dhan aad looga xiiseeyey, dad badanina isticmaalaan ayaa bishii Labaad ee 2014ka waxaa la wareegtay shirkadda Facebook oo lagaga iibiyey 19 Bilyan oo doolar, bishii sagaalaadna waxa uu noqday barnaamijka farriimaha la isku dhaafsado ee dunida oo dhan ugu caansan, kadib markii ay macaamiil ka noqdeen dad tiradoodu ka badan tahay 600 oo Milyan oo qof.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in Jan Koum uu noloshiisa xirfadda Kombiyuutarka ku bilaabay in uu xubin ka noqdo koox budhcadda internet ka jabsata ah oo isku magacaabi jirtay w00w00. Ururkan oo xilligii uu jiray dunida oo dhan kaga wareeriyey, cabsi badanna ku beeray shirkado waaweyn iyo hayado dowladeed oo caalamiya, ayaa Jan Koum oo xubnaha ugu cadcad ururkan ahaa waxa uu sagaashamaadkii qarnigii tegey shakhsiyan u jabsaday kombiyuutarrada shirkaddii Silcon Graphics oo ahayd shirkad aad u weyn oo soo saari jirtay barnaamijyada kombiyuutarradu ku shaqeeyaan iyo qalabak Kombiyuutarka qudhiisa. Laakiin illaa hadda Koum waa uu ka warwareegaa in uu si cad u sheego bal sida uu uga faa’idaystay xogtii uu ka xaday shirkaddaas uu jabsaday iyo in xogtaasi ay ka caawisay barnaamijkan uu markii dambe sameeyey sannadkii 2009ka. La soco…