Dadka Dhuuban Ayaa Ka Dareen Dheer Kana Feejignaan Badan Kuwa Miisaankoodu Weyn Yahay

0
989

Picture9Cilmi baadhayaal u dhashay dalka Maraykanka ayaa sheegay in daraasad dhinaca cilmiga bulshada ah oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in dadka fuqarada ahi ay dhinaca maqalka dhawaqa iyo dareenka khatarta soo fool leh ay uga feejignaan badan yiihiin dadka buur-buuran ee ladan. John Nohov oo ah khabiir ku xeeldheer cilmi nafsiga oo isaga iyo koox khubaro ay wada shaqeeyaan ahi ay daraasaddan sameeyeen ayaa caddeeyey in nidaamka maqalka ee maskaxdu uu aad ugu xidhan yahay dhismaha jidhka. Khabiirkan iyo saaxiibbadii oo ka tirsan Mac-had laga magacaabo Wooster oo ku yaalla gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in baahida iyo weydu ay ku abuurto qofka dareen dheer oo uu kaga feejignaado khatar kasta oo ku soo fool leh.

Waxa ay cilmi baadhayaashu sheegeen in markii ay wadeen tijaabada daraasaddan ay ka codsadeen dadkii tijaabada lagu sameeyey inta goob cidlo ah la fadhiisiyo in ay sheegaan hadba sida ay u dareemaaan dhawaq ama jabaq ku soo socota, waxa ay tijaabadu faraysay in marka uu qofku u maleeyo in shaygii ku soo socday uu ku dhowaaday ama uu hor taagan yahay uu sheego" Sidoo kale waxa ay khubaradani baadhitaan dheer ku sameeyeen quruxda dhisme ee jidhka dadka ka qayb qaadanayey tijaabada iyo sida ay saamayn ugu yeelatay dareenkooda feejignaanta, waxaana u soo baxday in kuwoodii weyda ahaa ay ka dhego nuglaadeen kana dareen feejignaadeen kuwii xooga badnaa. Dhanka kale waxa ay daraasaddani muujisay in qofka xoogga badani mar walba ka cag culus yahay kuwa weydda ah.