85 Qof Oo Maanta Dunida Ku Nool Ayaa Haysta In Ka Badan Kala Badh Hantida Dunida Oo Dhan Taalla

0
640

Picture10London (Geeska)- Hayadda Caalamiga ah ee OXFAM oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa warbixin ay soo saartay ku caddaysay in 85 maalqabeen oo dunida ku nooli ay kaydsadeen hanta u dhiganta inta ay haystaan kala badh dadka dunida oo dhan ku dhaqani. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Wargeyska The Independent ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa ay hay’addu kaga digtay in arrintani ay keenayso khatarta ah in ay aad u sii kala fogaato nolosha fuqarada iyo maalqabeenka dunidu, taasina ay keeni karto in xasarado qarxaan iyo in khalkhal bulsho uu dhaco, maadaama oo lacagta dunida taalla kala badhkeed oo lagu qiyaasay 110 Tirilyan ay ku raaxaystaan dad tirada guud ee dadka dunida ka noqonaya boqolkiiba 1 keliya.

Hayadda OXFAM waxa ay sheegtay in lacagta ay 85 ruux oo keliyi haystaan ay afar-laab ka badan tahay lacagta loo baahanayo haddii la doono in dunida oo dhan faqriga laga tirtiro. Daraasad ay hayaddani samofalka ahi soo saartay wax yar ka hor qabsoomidda shirka DAVOS ee dhaqaalaha dunida ayaa ay ku caddaysay qaninimada ku talax tagga ah ee dadkani ay khatar ku tahay dadka dunida oo dhan, waxa aanay dadka maalqabeenka waaweyn ee dunida ah ku eedeaysay masuuliyadda caqabaddaynta dadaalka caalamiga ah ee lagu doonayo in faqriga lagu dabargooyo.