Qosolku Waa Dawada Ugu Fiican Ee Lagu Dagaallami Karo Dhiig Karka, Macaanku Iyo Cudurro Kale Oo Badan

0
716

Picture9Washington (Geeska)- Laba cilmi baadhe oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa sheegay in qosolku yahay habka ugu fiican ee lagula tacaali karo cudurro badan oo qaarkood ay yihiin nooca muddo muddo dheer sii jiitama ama soo noqnoqda ee afka cilmiga loogu yaqaanno Chronic Diseases. Labadan aqoonyahan waxa ay caddeeyeen in qosolku uu dhimo heerka Cholesterol ee jidhka ku jira, iyo in qosolku uu yareeyo khatarta ah in qofka ay ku dhacaan cudurrada wadnaha iyo halbawlayaasha dhiiggu.

Lee Burke oo ka tirsan jaamacadda Loma Linda iyo Dr. Stanley Tan oo ku takhasusay daweynta macaanka kana tirsan mac-hadka Oak Crest ee cilmi baadhista oo hoos taga jaamacadda Loma Linda, ayaa baadhitaan ku sameeyey saamaynta uu qosolku ku yeesho caafimaadka 20 qof oo qaba cudurro loo maaro waayey oo uu ka mid yahay macaan, dhiig kar iyo mariinada dhiigga oo xaydhi ku samaysanto. Waxa ay cilmi baadhayaashani dabagal iyo baadhitaan ku wadeen labaatankan qof muddo sannad ah oo ay si joogto ah baadhitaan iyo qiyaasid ugu wadeen hormoonnada, heerka isku buuq iyo xaddiga Kalastarool ee ku jira jidhkooda, iyaga oo si joogta ah looga dalbanayey in ay qosol badan sameeyaan laguna ilaalinayey xaalad deggenaanshiyo iyo farxadeed oo maalin kasta soconaysay saacad badhkeed. Natiijada daraasaddan oo lagu faafiyey  majalad ka faalloota cilmiga shaqada xubnaha qofka oo ka soo baxda dalka Maraykanka, ayaa lagu daahfuray in boqolkiiba 26 ka mid ah dadkan laga dareemay is beddel togan oo caafimaad kadib markii ay raaceen talooyinkan dhakhaatiirta.