Madaxweyne Siilaanyo Oo Markii U Horaysay Qiray Inay Dawladda Muqdisho Ka War-wareegayso Miiska Wada Hadalka, Kana Baxday Heshiisyo Dhawr Ah Oo La Galay

0
649

Picture8Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa dalka Somaliya ugu baaqay inay iska iloobaan midnimadii fashilantay ee Somaliya, waxaanu sheegay inay dawladda Somaliya ka warwareegayso wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

Madaxweynuhu, wuxuu hadalkan ka sheegay khudbad uu shalay ka jeediyay qalin jebinta ardayda jaamacadda Hargeysa. “Waxaan leeyahay Somaliland waa qaran madax-banaan, dadkiisuna way tashadeen waxaanay rabitaankooda ku dhisteen dawlad iyagoo codkooda % 97 ku-meel-mariyey dastuurka JSL iyo jiritaankooda. Midnimadii Somalia waatii fashilantay, diyaarna uma-nihin durbaanka Somali-weyn, dadkaygu waxay diyaar u yihiin inay dhiigooda ku difaacaan cid kasta, oo ku soo xadgudubta xuduudaha dalkan Somaliland dhulkiisa, badiisa iyo cirkiisa. Waxay dawladda Somalia u muuqataa, in aanay ixtiraamayn wixii aanu ku heshiinay, kana warwareegayso miiskii wadahadallada, waxaanu weli idiinku baaqaynaa miiska wadahadalada si aynu u kala baxno”. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi  “Beesha Caalamka waxaan ugu baaqaynaa in ay garwaaqsadaan xaqiiqada Somaliland, waxaanu ugu baaqaynaa inay caawiyaan horumarka iyo dimuquraadiyada ka hana-qaaday dalkan, waa noo muhiim doorashooyinku waanan soo dhawaynaynaa doorka ay ka qaataan deeq-bixiyayaashu.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu isagoo la hadlaya shacabka Somaliland uu yidhi  “Dadka Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay is-ku-duubnaadaan, Dalka illaashadaan meelna uga soo wada jeedaan cadawgooda”.

 

'font-s+? 1?D x1 e-height:94%;font-family:"Arial Narrow";language:en-US;mso-ansi-language: en-US;mso-ligatures:none'>2)       In dhulkaa ku hareeraysan labada Sedexda tuulo dhexdooda ay tahay Xoolo daaqeen ,lagana samayn Karin Beero iyo Faag ,wixii hore looga oodayna waa in la baabiiyaa .

 

3)      In wixii waxyeelooyin ah ee labada reer kala gaadhayna ay ku dhamaystaan walaaltinimo ah iyo waliba dhaqankeena suuban iyagoo nabadgelyada ilaalinaaya.

4)      In wixii khasaare ka soo gaadhay Dhinaca Cabdale Arab Go,aankii Wasiirada ay Xukuumadu u dirtay deegaankaasi ,ay Xukuumadu bixiso mag-dhawgeeda kuwaasi oo dhan Sedex barkadood Qodistood iyo Laba Dergadood.

 

Sidoo kale waxa iyna halkaasi ka hadlay xubnihii kale ee golaha guurtida kuwaasi oo Labada dhinacba kula taliyay in ay qaadaan Qodobadan ay soo saareen.