Dugsiga Sare Ee Salaama Oo Guul Ka Soo Hooyay Imtixaanadka Oo Uu Markii U Horaysay Ka Qayb Galay

0
666

Picture4Hargeysa(Geeska)-Dugsiga sare ee Salaama Secondary School ayaa kaalin muhiim ka galay natiijada imtixaanaadka shahaadiga Somaliland ee sannad dugsiyeedka 2013/2014 oo uu markii u horaysay ka qayb galay.

Dugsigan Salaama oo sidoo kale leh dugsiyada hoose iyo dhexe, ayaa wuxuu arday ka mid ahi ka mid noqday tobanka arday ee ugu sareeya ardayda Somaliland ee dugsiyada sare, waxaanu galay kaalinta 8aad ee tobanka wiil ee ugu sareeyay dugsiyada sare ee Somaliland. Ardaygan oo uu magaciisu yahay Cabdisamad Maxamuud Saleban Kabadhe wuxuu keenay 705 dhibcood, waxaanu sidaas ku noqday ardayga 8aad ee tobanka arday ee ugu sareeya dugsiyada sare ee Somaliland. Sidoo kale ardayda reer Salaama waxay ku baxeen dhammaantood darajada A iyo B.

Maamulka dugsiyada salaama ayaa si weyn u soo dhaweeyay guushaas ay markii u horaysay ee ay imtixaanka u fadhiisteen soo hooyeen, waxaanay maamulka dugsigu hambalyo iyo bogaadin u direen guud ahaan ardayda reer Salaama, gaar ahaan ardayda Cabdisamad Maxamuud Saleban oo noqday ardayga magaca u soo hooyay.

“Anigoo ah maamulaha dugsiga sare ee salaama  Siciid Faarax Xuseen waxaan hambalyo aan lasoo koobi Karin u dirayaa dhamaan ardaydii ka qayb gashay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiya sare oo ka soo hooyay guul la taaban karo iyadoo ay tahay markii u horaysay ee dugsiga sare ee Salaama secondary school uu ka qayb galo imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Dalka.” Ayuu yidhi maamule Siciid, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaa xusid mudan in aydayda dugsiga sare ee salaama ay ka mid noqdeen 10 kii arday ee ugu sareeyay dugsiyada dalka oo dhan iyo galay kaalinta 8 aad.”

Isagoo ka hadlaya ardayda kale wuxuu yidhi Siciid, “Waxaa kale oo amaan mudan in147 kii arday ee dugsiga uga qaybgalay imtixaanku ay dhamaantood  ku baaseen derejada A iyo B marka laga reebo hal arday oo ku baasay derejada C taasoo ka markhaati kacaysa tayada ardayda dugsiga sare ee salaama.

Waxaan halkan uga mahad celinayaa macalimiintii ardaydaa kusoo tabacday iyo walidiintii mar walba la garab taagnay hiil iyo hooba.”

Dugsigan ayaa inkastoo ay tahay markii u horaysay ee uu imtixaanada Somaliland si rasmi ah uga qayb galo haddana wuxuu doorkan u horeeyayba soo hooyay guul. Dugsiyada hoose ee Salaama ayaa la filayaa inay sannadkan dambe ka qayb galaan imtixaanaadka.