Ardaydii Ugu Tirada Badnayd Oo Ka Qalin Jebisay Jaamacada Hargeysa

0
1018

Picture3Hargaysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay ka qayb galay qalin jebinta 793 arday oo ka qalin jebiyay jaamacada Hargeysa.

Ardayda Sanadkan ka qalin jabisay ayaa Tiradoodu Dhamayd  793 Arday Kuwaas oo ka qalinjabiyey Kuliyadaha Kala Gadisan ee jaamacada Hargaysa ay ka kooban tahay.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargaysa ayaa ka waramay Maraaxilkii Kala Duwanaa ee ay Jaamacadu Soo Martay Waxaana uu Ka waramay Caqabadihii la kulmay  iyo Guulaha uu gaadhay inta uu guddoomiyaha Jaamacada ahaa “Ardaydan Qalin Jabinaysa Ayaa waxa ay dhamaantood Barteen Culuumta Kala Gadisan ee lagu dhigti Jaamacada Waxaanan Ay maanta gaadheen Guul Wayn oo lataaban karo hadii ay Juhdi iyo dadaal dheer usoo galeen in ay Dhameeyaan Aqoonta ay Doonayaan, Intii aan Jaamacada joogay waxaan kusoo kordhiyay inaanu dhisno Qaybo ka mid ah Fasalada  sida hoolkan aynu Maanta fadhino,Waxaanu Xukuumada u sheegaynaa in ay Gacan wayn ka gaysato sidii ay Kor ugu qaadi lahayd Jaamacada hargaysa, Kharashka yare e aanu ka qaadno ardayda jaamacada kuma Filan inaanu isku kafayno.

Guddoomiyaha Jaamacada oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Jaamacadani Waa jaamacadu ugu qaalisan Marka la eegayo Africa oo dhan, waxa ay Khubro badani noo shegeen inaanu aqoontii kor u qaadnay,Taas oo Jaamacada hargaysa loo Aqoon Saday Jaaamacadaha ugu wanaagsan Africa,Waxaanan Maanta Ardayda Leeyahay Dalkiina Dhista”.

Dhinacan kale ardayda ku hadlayay afka ardayda ayaa isna soo dhaweeyey Guusha ay maanta gaadheen ee ah in ay dhameyeen jaamacadii,waxaana uu ku gubaabiyay Ardayda inaanay halkaas aqoonta kaga hadhin ee kasii wadaan,Waxaana uu ku booriyay dhalinyarada inaan dalka laga tahriibin.

Sidoo kale waxa isna munaasibada qalin Jabinta ah Kalmada kasoo jeediyay Boodhka Jaamacada Ahn wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Waxaana uu yidhi “Maanta Halkan waxa iigu muuqda ardaydii lagu soo tabcay oo qalin jabinaysa waxaana Xukuumada leeyahay Waa waajib in shaqo loo abuur Dalkana Kaali Mug Leh ayay ugu jiraa, Shaqo la’aan baahsan Ayaan maanta dalka ka jirta taasna waxa la doonayaa in laga baxo ardaydana shaqooyin loo abuur,Waxaanan Anigu idin leeyahay Ardayeey Waxbarashu albaab lago galo ayay leedahay lakiin male albaab laga baxo”

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid muuse biixi cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Xog-hayaha Guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-Cade ayaa iyaguna Hambalyo iyo Bogaadin Udiray dhamaan ardaydan ka qalin jabisay jaamacada hargaysa oo tiradoodu dhan tahay 793 Arday oo isku jira Wiilal iyo Gabdho.

Sidoo kale waxa iyagun Madasha ka hadlay Guddoomiyayaasha jaamacada Somaliland oo madasha Iyana lagu soo casuumay kuwaas oo farxada la qaybsanayay Ardayda Maanta Dhamaysa Jaamacada hargaysa.

Gabo-Gabadii Madaxwaynaha Jamuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  oo isana Munaasibada soo Afmeeray Ay cadeeyey in Xukuumada Kulmiye Diyaar u tahay ardaydan Maanta Munaasibada ka qalin jabisay waxaana uu yidhi.  “Waxaan Halkan hambalyo uga soo jeedinayaa Guusha ay gaadheen Macalimiintii Kusoo tabacday Ardaydan Maanta ina Hor Joogta,Waxbarashadu waa Furaha Nolosha,Waa Halbolaha Horumarka,Waana Hagaha Mustaqbalka,Waxaana ay u kala horeeyaan sida ay aqoon iyo Farsmo badan yihiin,Sanadkan waxaan Qalin Jabintooda ka qayb galay in ka badan afarkun oo Arday, taasi waxa ay Markhaati u tahay kobaca qudheed iyo kor u kaca ay bulshada ku dhex leeyihiin dhinyaradu.

Intaas ka dib Madaxwaynaha somaliland waxa Shahadooyin Guddoon siiyay ardaydii Kaal-maha hore ka gashay Imtaxaankii Jaamacada Hargeysa, waxanu shahaadooyinka Guddoonisay 10 Arday ee ugu sareeyey.