Haayada UNODC Oo Kulan Lagu Darsaayey Curinta Xeerarka Iyo Shuruucda Ku Qabatay Hargeysa

0
596

Picture1Hargeysa(Geeska):-Kulan ku saabsan nidaamka curinta Xeerarka iyo shuruucda  oo muddo laba cisho soconaya ayaa waxaa lagu qabtay Hotel Ambsador ee Magaalada Hargeysa.

Kulan oo ay soo qaban qaabisay Haayada UNODC ayaa  waxaa ka soo qayb galay Madaxda Sar-sare ee Haayada UNODC,Wasiirka Cadaalada Somaliland Md:Xusseen Axmed Caydiid,Xildhibaano ka socotay Baarlamaanka Somaliland,Garyaqaano iyo sida oo kale aqoon yahano ku xeel dheer culuumta Shuruucda.

Kulankan oo ahaa mid lagu falayn qayanayey isla mar ahaantaana lagu darsaayey qaabka iyo hababka kala duwan ee la raaco marka la qoraayo ama la curinaayo Xeerarka iyo Shuruucda ayaa waxaa ugu horeyn kulankasi ka hadlay qaar ka tirsan madaxda Sar-sare ee Haayada UNODC,waxaana ay sheegeen in muhiimada ay uga dan leeyihiin u jeedka kulankan in ay tahay sidii ay kor uqaadi lahaayeen xirfadlayda ka hawl gasha goobaha lagu curiyo shuruucda iyo Xeerarka ee dalka.

Mr:Betty Grew oo ahaa khabiir ku takhasusay dhinaca shuruucda oo sida oo kalen  ka mid ahaa Madaxda kulanka qabatay ee Haayada ODON oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu hereyn waxaa uu ka hadlay qaabka loo curiyo shuruucda iyo xeerarka dalka,waxaana uu sheegay in ay muhiimad gaar ah ay u leedahay laamaha dawlada ee sida aadka ah uga hawl gala in ay soo curiyaan xeerar kala duwan oo dalka iyo dadkaba u dan ah,waxaana uu sheegay in muddada uu kulankani uu socday ay ka soo qayb galayaasha kulankan ay isla faaqidoonaan qaababka kala duwan ee wakhtigan casriga ah loo qoro shuruucda iyo Xeerarka.

Ugu danbayntiina Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Daryeelka Somaliland Md:Xusseen Axmed Caydiid oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn waxaa uu sheegay ay ka Xukuumad ahaan ay si aada u soo dhawaynayaan

"Baarlamaanka ayaa dee hada inoogu qaabilsan,dajinta shuruucda.dhexdiisa waa uu ka unkami karaa oo khabiiradii ayaa dhexdiisa Xeer ka unkamaya oo laga Qorayaa,Xukuumada ayaa keeni karta Shuruucdii oo soo unkaysa,iyada oo markaa haayadaheedaa kala gaar gaarka ah ee Xukuumaduna ay waxaa markaa ka soo unkami kara Xeer golaha Wasiirada iman doona oo deedna inta uu halkaas ka yimaada Golahii Baarlamaanka u soo gudbiya,sida uu khabiirku sheegay qawaaniinta marka la qoraayo ee la daraaf garaynaayo,waxaa loo raacaa Nidaam iyo Xirfad ayaa loo raacaayo lagu qoraa qoritaanka waa uu ka duwan yahay marka aad dee erayada kale ee qoraalada kale ee ay samaynayno iyo qoraalka Xeerka waa kala jaad”Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland Md:Xusseen Axmed Caydiid