Gabadh Jidhkeedu Birlab Yahay Oo Khubarada Saynisku Ay Weli Ku Dawakhsan Yihiin Sirta Ku Jirta

0
793

Picture8Berlin (Geeska)- Gabadhan sawirka ka muuqata oo ah 71 jir magaceeda la yidhaahdo Elena Kablova oo u dhalatay dalka Germany ayaa in muddo ah lagu arkayey arrin mucjiso ah oo ay ku wareereen khubarada iyo aqoonyahannada cilmigu in ay fasiraad u helaan. Jidhka gabadhani waxa uu sida birlabta u soo qabsanaya wax kasta oo bir ama caag ah, in kasta oo ay jiraan dad tiro yar oo xaalado noocan ah lagu arko waxa ay iyadu dheer tahay in dhammaan weelka lagu isticmaalo kijada oo ay xataa ka mid yihiin weelka ka samaysan caaggu ay ku dhegeyaan jidhkeeda oo ay sida birlabta ugu soo boodayaan.

Elena Kablova oo ka hadashay xilligii ugu horreeyey ee ay ka hadashay birlabtan jidhkeedu isu beddelay ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ee ay isku aragtay ahayd wixii ka dambeeyey xilli hore oo uu ku dhegey laydh. Waxa ay sheegtay beri hore mar uu shoodh laydh galay madbakh ay cunto ku karinaysay in ay isku dayday inta ay qori dheer soo qaadatay inay xidho qasabad biyood oo ku dhex taallay laakiin qalad ay samaysay kadib ay ku dhex dhacday biyihii ay xidhaysay oo dabaysan, in kasta oo nasiib wanaag aanay ku dhiman. Jidhkeeda waxa wada gaadhay xooggii koronto oo awooddiisu gaadhaysay 160 Volt. In kasta oo awoodda noocan ahi dili karaysay noole kasta haddana Elena Kablova waxa ay kaga badbaaday si mucjiso ah. Laga bilaabo muddadaasna waxa uu jidhkeedii isu beddelay birlab si buuxda ugu dhegeysa birta iyo xataa weelka caagga ah. Waxa intaas u dheer in ay awooddo in sida Remote-ka ay u maamusho walxaha korontada ku shaqeeya ee ka fog.