Hay Dagin Siyaasi: Waa (Maanso Duur-Xul Ah): Erayadii: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Colhaye

0
2771

Picture6Hay dagin siyaasi

Beerkayga ha duban

Marlabaad durbaan iyo

Daasado jaan haytumin,

Digniinbaan qabaa wayn

Dareenbaa jira dhaba

Markaad dantaa u socotaad

Diirkaad ila wadaagtaa,

Markaad daaqsin furateed

Daruuruhu dushaadiyo

Dagalkaad ku noolayd

Dirir cawlku ka onkodo,

Doogiyo barwaaqada

Durduurato xareedeed

Ku dabaalato hawshiyo

Daalkaan anigu soo maray,

Anigu diiftaan qabiyo

Daranyadaan ku suganahay

Marna kama damqatidoo

Dubku iiguma kaayaal,

Marka aad damaashaad

Damdamtiyo ciyaaraha

Sida dabayl xagaayada

Docwalba u socoto,

Kuwa aad diraysee

Duufaanadu sitaane

Iyagoo daalan hadhaw

Dooxu qaado baan, ahay

Haddaan doobirtaadiyo

Danigaaga u dhacana

Soo dayid gacaltooyo

Nafta kuma dabiibtid,

Nimaad daraato hankiyo

Isku diideen aragtida

Oo waabayda damaciyo

Dacar kala dhanteen adag,

Ana baryahan daraadaa

dusha kala coloobay

Dakanaduu ii hayo

Ninka u dilan baan ahay,

Markay ay dantiinuna

Dabar iyo seeto noqoto

Idinkoon is daw marin

Ayaad dacal dhaqaaqdaan,

Dadkii aanu awgiin

Midida daabka culusiyo

Micirta isku darnay

Namaydaan kala dabiibin,

 

Sidii baan duhur iyo habeen

Dabuubtaad tidhaahdaan

Markasta danqaabiyo

Doog noogu shidaa wali,

Siyaasi dabkaagu

Sidibuu ducdayda

Uga daaran yahayoo

Cidi aanay wali damin,

Danta guud marnaba

Dadaal dheer umaad galin

Kursi doonistiisaad

U daldashaa naftayda.

Dirirtiyo colaadahaad

Duunyo aad ka dhalisaa

Hadba sidaan u dabar go,aad

Darajo sare ku gaadhaa,

Dhiigayga doolar iyo

Adaa siista diinaar

Duruufaha i soo mara

Ku dawarsada aduunkee,

Hadba meesha ku darane

Udoog dhabato naftaadu

Waxaad ku dabaashaa

Xaajo iblays soo diray,

 

Agtaadaa nin daacadi

Nuurkiisu ma daalacoo

Duliga guudkaaga sudhanbaa

Ka damiya nashaadee,

Sidii aad damane tahay (Eeg Bogga 4aad)

Ama ruux la duufsaday

Beentaadi darraad

Ta maantaa ka sii daran,

Waxaase kaa daciifsan

Kuwaan dareenba kaa qabin

Kolba wixii aad doonto

Ugu daabacdo laabaha,

Shaydaankaad dir sooca

Damiir xumada wadaagtaan

 Kolba danab  hilaaciyo

Duufaano mar soo kici,

 

Dockastoo lagaa xidho

Sidii daadka  meelkale

Kasoo dulundulceeyoo

Hadba dawyo iska raarid,

Doqontiyo ma garatadu

Ha ku dabaal dageene

Markale daluun aad u dheeriyo

Hoobaaq ka dabatuur,

 

Hobaley iyo deelqaaf

Ku daadihi aayaamo

Carab dalable iyo kibir

Ul iyo diir ku kala dir,

 

Dadkiyo duunyada ooman

Kaligaa darka uun jiif

Dawlis qudha dadkaaga

Deeq ha u siin maalin,

 

Danyartiyo maatida

Duxdooda aad dhamaysana

Waa dabar nabsiguye

Daymadoodu kugu maqan,

 

Dockastoo lagaa dayo

Diric meelna kama tihid

Guudkaa dayn iyo

Diifbaa saaran aayaha,

 

Haddaan doorkan maanta ah

Dadku aanay idin baran

Durusahaad dhigtaan wali

Ka daalacan waxaad tihiin,

Noloshuba dayriyo

Dibadyaal ma dhaaftood

Daraadbaa wacneydiyo

Dub u socod ma dayso.

 

Dhamaad

Waa Erayadii Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Colhaye

EMAIL:halgan82@hotmail.com