Qunsuliyada Turkiga Ee Magaalada Hargeysa Oo Si Rasmi Ah U Baahisay Inay Bilowday Bixinta Fiisayasha Wadanka Turkiga Oo Ay Shacabku Si Weyn U Soo Dhaweeyen

0
640

Picture5Hargeysa(Geeska)-Qunsuliyada ay dawladda Turkigu ku leedahay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa bilowday bixinta fiisayaasha lagu galayo wadankeeda, ka dib dhawr bilood oo ay furnayd.

Qoraal kooban oo ay qunsuliyadu ku baahisay barta ay ku leedahay twitterka, waxay ku sheegtay in laga bilaabo 26 September la bilaabay bixinta fiisayaasha. “Qunsuliyada Turkiga ee Hargeysa (Turkish consulate in Hargeisa) waxay bilowday bixinta fiisayaasha laga bilaabo 26 September 2014.” Sidaas ayay qunsuliyadu ku tidhi qoraalka kooban ee ay gelisay twitterka.

Laakiin qunsuliyadu ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan bixinta fiisooyinka, sida in fiisooyinka lagu bixinayo basaborka Somaliland oo dhawaan laga dhigay mid casri ah. Hase yeeshe si kastooy tahayba shacabka Somaliland waa talaabo ay soo dhawayn doonaan bixinta fiisooyinka dal ku galka Turkiga oo ay shacabka Somalialnd u doonan karaan arrimo dhawr ah sida ganacsi, waxbarasho iyo caafimaad.