Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Rasmi Ah U Aasaasay Ciidanka Ilaalada Khayraadka (OPU)

0
827

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa digreeto ku aasaasay ciidanka ilaalada sahamainta iyo shidaalka oo loo yaqaan (Oil Protection Unit), kaas oo ay beesha caalamku hore uga digtay aasaaskiisa.

Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray afhayeenka madaxtooyada Mr. Axmed Saleban Dhuxul, ayaa waxa lagu sheegay in ciidankaas laga soo xuli doono booliska iyo milatariga loona bixiyay waaxda ilaalada sahaminta iyo soo-saarista shidaalka, waxaanay hoos tagi doonaan ciidanka booliska. Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2800/092014, ku abuuray, Aas-aasidda Waaxda Ilaadda Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka ee Ciidanka Booliiska. Madaxweynuhu

Markuu Arkay: Qodobada 123aad iyo 124aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu aas-aasay Saddexda Ciidan Qaran;

Markuu Arkay:  Faqradda 4aad ee Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo qoraya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee Ciidammada Qaranka;   

Markuu Arkay: Xeerka Nabadgelyada iyo Anshaxa Guud Xeer Lr. 51/2011

 

Markuu Arkay: Faqradda 4aad ee Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo sheegaya in khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka ay  mas’uul ka tahay Dawladda Dhexe.

Markuu

Tixraacay: Dedaaladda Xukuumaddu ugu jirto daah-furka khayraadka debiiciga ah iyo ka faa’iidaysiga khayraadka debiiciga ah iyo  ilaalintiisa;

 

Markuu Garawsaday:Baahidda loo qabo xoojinta Amniga Goobaha iyo cid kasta oo ku hawlan Sahaminta iyo Soo-saarista Khayraadka Dabiiciga ah ee Dalka;   

Wuxuu Go’aamiyey

 Aasaasidda Waaxda Ilaalada Sahaminta iyo Soo-saarista Shidaalka (Oil Protection Unit) oo laga soo xulayo Ciidammada Milateriga iyo Booliiska, kana tirsanaan doona Ciidanka Booliiska oo hoos yimaada Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Line Ministry),  Xubnaha iyo qaab-dhismeedkiisana uu jaan-goyn doono Taliyaha Ciidanka Booliisku marka uu la tashado Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.”