Nebi Muxammed (SCW): Xataa Reer Galbeedka Ayaa Qirsan In Uu Yahay Hoggaamiyihii Ugu Saamaynta Weynaa Ee Abid Taariikhda Dunida Soo Maray

0
596

Dr. Michael Harth oo ah aqoonyahan aad ugu xeel dheer Sayniska isla markaana shahaadada PhD oo dhinaca xidigiska ah (Astronomy) ka diyaariyey jaamacadda Princeton ayaa daraasad uu muddo dheer waday oo uu ku eegayey hogaamiyeyaashii dunida soo maray iyo saamayntooda waxa uu ku qiray in Rasuulkii Alle ee Muxammed (SCW) uu yahay hoggaamiyaha ugu weyn uguna saamaynta badan ee illaa hadda inta la og yahay soo maray adduunka. Dr. Michael Harth oo u dhashay dalka Maraykanku waxa uu ka shaqeeyaa xarumaha daraasaadka iyo saadaasha waxa aanu ka mid yahay aqoonyahannada looga dambeeyo cilmiga Applied Physics loo yaqaanno, mar uu ka waramayey sababta uu Nebi Muxammed (SCW) kaalinta koowaad uga siiyey liiskan uu ku ururinayey hoggaamiyeyaasha waaweyn ee taariikhda soo marayna waxa uu Dr. Michael Harth yidhi, "Waa hubaal in dad badani la yaabi doonaan doorashadayda Nebi Muxammed aan kaalinta koowaad ku siiyey, laakiin waxa aan aaminsanay runta ah in Muxammed (CCW) uu ahaa ninka keliya ee taariikhda soo maray ee ku guulaystay in si muuqata oo heer sare ah uu u maamulo ruuxda diiniga ah iyo hoggaanka adduunyo ee dadka"

Dr. Michael Harth ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi, "Muxammad waxa uu dhidibbada u taagay diin ka mid ah diimaha ugu waaweyn ee dunida, waxa aanu noqday hoggaamiye siyaasadeed oo caalamiya… illaa maanta oo ay dhimashadiisii ka soo wareegtay in ka badan 14 qarni, weli saamayntiisu waxa ay u xoog badan tahay sidii ay ajaud markii uu noolaa" Dr. Michael Harth waxa uu sheegay in saamaynta dhinaca diinta ee nebi Muxammad (SCW) ay la mid tahay tii nebi Ciise (CS) laakiin waxa uu sheegay arrin uu u arko in nebi Muxamed kaga duwan yahay nebi Ciise, isaga oo taas sheegayana waxa uu yidhi, "Muxammad waxa uu kaga duwan yahay Ciise, Nebi Muxamed muu ahayn oo keliya hoggaamiye diini ama ruuxi ah ee waxa u dheeraa in uu ahaa hoggaamiye awood badan oo dhinaca nolosha iyo adduunyada, waxaana taas u daliil ah guushii uu ka gaadhay ballaadhintii awoodda maamul ee islaamka iyo furashadii (Qabsashadii) dhulalka badan, marka aan taas eego waxa uu Muxammad (SCW) noqonayaa hoggaamiye dunida soo mara kii ugu weynaa. Waxa uu mideeyey laba arrimood oo aanay jirin cid kale oo midaysay, waa saamaynta ruuxda iyo diinta iyo saamaynta adduunyada. Taas ayaa ka dhigaysa hoggaamiyihii ugu weynaa ee basharka soo mara" ayuu yidhi Dr. Michael Harth.