Diiwaan-gelinta Madaniga ah: Ma-Xeelad Muddo Kordhineed Mise Dan-Qaran!!!!.

0
649

Picture1Tan iyo Todobaadadii ugu danbeeyey waxaa si wayn guud ahaanba dalka looga dareemayey muranka Siyaasadeed ee ay dhalisay Diiwaan-gelinta Madaniga ah oo la filaayo in dhawaan Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay ka hirgaliso  dalka.

Khilaafkan Siyaasadeed ee ay dhalisay Diiwaan-gelinta Madaniga ahi,waxaa uu ahaa mid soo shaac baxay markii Xukuumadu ay Xeerarka Diiwaan-gelinta Madaniga ah iyo Codbixiyeyaasha u gudbisay Golaha Baarlamaanka Somaliland,sida la sheegayna uu ku lifaaqan yahay Xeer o dhanaaya Kaadhka Codbixiyeyaasha waxaa qaadan kara oo qudha qofka muwaadinka ah ee sita Kaadhka Dhalashada ama Diiwaan-gelinta Madaniga ah. Tani markiiba,waxaa ay sas weyn ku riday Axsaabta Mucaaradka(WADDANI Iyo UCID) oo ku tiraabay in Labadan Diiwaan-gelinood ee ay Xukuumadu isku dabartay ay uga go’leedahay sidii ay muddo koradhsi u samaysan lahayd amaba uu dib u dhac ugu iman lahaa xiliga ay dalka ka qabsoomayaan Doorashooyinka Madaxtinimada iyo Baarlamaanka, Axsaabta Mucaaradku(WADDANI Iyo UCID) waxaa ay sida oo kale ay ku doodayaan in Xukuumadu ay kaga baxday,heshiisyo kala duwan oo si taxane ah isu daba socday,kuwaas oo ay Axsaabta Qaranka(KULMIYE,WADDANI,iyo UCID),Komishanka Doorashooyinka,Iyo Xukuumaduba ay ku heshiiyeen in lays-garab waddo Labada Diiwaan-gelinood oo aan laysku dabrin,waxaana ay sheegeen in ay arrintan u gudbiyeen iyaga oo ka midaysan Deeq-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka,sida oo kalena uu Madaxweyne Siilaanyo soo dhaweeyey heshiiskaa qaran ee ay isla gaadheen Axsaabta Qaranka,Komishanka Doorashooyinka,Iyo waliba Xukuumada oo ay u matalayso Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland oo iyadu ah mida fulinaysa hirgalinta Diiwaan-galinta Madaniga ah.

Dhanka kale marka aynu ku yara noqono,Xukuumadu waxaa ay iyaga laftoodu arrintan ay ku sheegeen in aanay wax dib u dhac ah aanay ku keenayn in ay dalka doorasho ka dhaco,balse wali Xukuumadu maysan cadayn wax yaabaha ku kalifay in heshiiskaa hore ee qaran ee laga midaysnaa ay dhinac uga leexatay sida ay Axsaabta Mucaaradku ay ku doodayaan.waana arrin ay ka jawaabi taankeedu u taalo Xukuumada!!!

Xisbiyada Mucaaradku hadana isla todobaad ka hor ay ku dhawaaqeen in ay qaadaceen ka qayb galka Diiwaan-gelinta Madaniga ah,waxaana ay Taageerayaashoodana meel kasta oo ay joogaanba ay ugu baaqeen in aanay ka qayb-gelin Diiwaan-gelinta Madaniga ah,iyaga oo ku sababaynaayey in aanay Xukuumadu u dhaga nuglaan hirgalinta heshiiskii qaran ee ay ku heshiiyeen ee ahaa in ay is-barbar socdaan Labada Diiwaan-galinood,sida oo kalena Xukuumadu ay ka gaabisay in ay sababaha ku kalifay ay wadahadal kala furto. Hadaba.Marka hore bal aynu sar-kaxaadis ku samayno Diiwaan-gelinta Madaniga ahi waxa ay tahay.Waa Diiwaan-gelinta macluumaadka qof kasta oo muwaadin ah,Dhalashada,Dhimashada,Guurka Iyo Furniinka.Waxaa ay kala saaraysa qofka Muwaadinka ah iyo qofka aan muwaadinka ahayn(Ajaanib),Waa Kaadhka aad Cisbitaalka ku aadi karto,Xawaaladaha aad lacag kaga qaadan karto,Waxbarasho aad ku dhigan karto,Magaalo kale aad ugu gudbi kartid,iyo waliba in uu kaa caawiyo arrimo kale oo aad muhiim ugu ah nolosha qof kasta oo muwaadin reer Somaliland ah. Kaadhka Dhalashada waxaa uu markale uu ina tusinayaa sida ay u kala soocan yihiin waxii laysku odhan jiray Somaliya,waana calaamad ka mid ah calaamadaha Aqoonsiga ee dal ahaaneed,sida ay Madaxda Dawlada Somaliya-ba ay sheegtay oo ku tiraabtay in Haayadaha Somaliland ka caawinaaya Diiwaan-gelinta Madaniga ahi ay yihiin kuwo Somaliland siinaya Ictiraaf. Waxaa kale oo muhiim ah in la xuso,in Daraasado badan oo laga sameeyey wadamo badan oo laga hirgeliyey Diiwaan-gelinahan ay cadayn u tahay yaraynta in musuq-maasuq  ku yimaada Doorashada ama-ba ay cid gaar ahi ay u deegsato sifada ay doonto oo ay ugu tagri-fali karto.

Arrinta sidaas oo dhan muhiimka u ahayd ayaa hada waxaa ay noqotay arrin qaab siyaasadeed gashay.Waxaana Xisbiyada mucaaradku ku doodayaan in aan Diiwaan-gelinta Madaniga ahi aan lagu dhamayn Karin muddo kooban,balse ay jiitami karto muddo dheer oo illa muddo Afar-Sanadood ahna ay qaadan karto.Halka ay Xukuumaduna ay dhankeeda ku qanacsantahay in aanay muddo dheer qaadanayn saamayna aanay ku keenayn in Diiwaan-gelinta Madaniga ahi ay sababto dib u dhac ku yimaada Doorashooyinka. Si kastaba ha’ahaato arrintan waxaa xal lagaga gaadhi karaa oo laga saari karaa muranka Siyaasdeed iyada oo dhinacyada isku hayaa ay si nadiif ah oo midi midi ku taag ahayn ay wada-xaajood uga galaan qodobada amaba arrimaha laysku diidan yahay. Haddii kale oo mid walba uu gaarkiisa ka kale uu ugu qancin waayo,waxaa dhacaysa in aanay Diiwaan-gelintaasi yeelan macnihii ay qarankan ugu fadhiyi lahayd waayo waxaa ay gashay Siyaasad.Tusaale ahaan qodabka ay Xisbiyada Mucaaradku ay aadka uga cabanayaan waa mid xaqiiqo iyo mara-kac u noqon kara in ay Xukuumadu ay muddo koradhsi doonayso oo waxaa kuu cadaynaaya sida ay xukuumada loogu eedaynaayo in ay ka baxday heshiisyo qaran oo ay si wada jir ah ay isula gaadheen.Geesta kalena waxaa cad in Xukuumada lafteeduna doonayso in aan cid kaadhka dhalashada haysata mooyee aanay cid kale qaadan Kaadhka Codbixiyeyaasha,macnaheeduna uu yahay in cid Ajaanib ahi aanay qaadan Kaadhka Codbixiyeyaasha.balse tanina waa mid iska cadaan ah oo aanu daah inaga saarnayn amaba aan lagu daahi karin Diiwaan gelinta hadal noocan oo kale waayo horeba cid meel kale ka timaada may codayn jirin oo dadku hebel iyo hebel ayaa ay isu garanayaan oo waa la tirsan yahay.laakiin waa macquul sugitaanka amaanka dartii ayaanu sidan u samaynaynaa tana horeba nabada inaga ayaa u illaalinaynay laakiin hadana taxadirku waa muhiim.

 Hadaba Labadan arrimoodba waxaa ay noqon karaa waxyaabo suurta gal ah,Inta ay mad-madawga ku jiraana Diiwaan-gelinta Madaniga ahi aanay noqon mid muujisa macnihii iyo muhiimadii ay qaranka Somaliland ugu fadhiday.Inkasta oo ay socdaan wadahadalo u bilaabmay Mucaaradka iyo Xukuumada oo ku saabsan sidii is afgarasho looga gaadhi lahaa amuurtan murugta weyn dhalisay,balse nasiib darro Xukuumadu haddii aanay wali wax qarinayn godkeeda inta ay ka soo baxdo ayaa ay banaanka soo dhigi lahayd wax kasta ku saabsan amaba ay asxaabta mucaaradku ku qanci lahaayeen,se dee jawaab noqon mayso in Xukuumadu ay Odayaal dhaqameedyo inta abaabusho ay ku tidhaahdo diiwaan gelinta Madania ah nagu taageerA,Ogow qodabka halkaas ku jiraa waxa weeye horta Mucaaradku miyey wali diideen Diiwaan gelinta Madaniga ah mise waxaa ay leeyihiin hala kala saaro labada Diiwaan-gelinood ee laysku dabray.aan hadalka u soo noqdee Wadahadalkaasi waa Xukuumadu maysan marin milgihii iyo Is ixtiraamkii looga baahnaa ee ay Somaliland ku soo caano maashay isdhagaysiga,Is ixtiraamka,iyo waliba is maqalkaba.  hadana wali waxaa dhinac socda Oday dhaqameedyo u abaabulan qaab cid gaar ah ay u danaynayaan ku waasi oo marna ku dhawaqaya in Qaadacaada ay Mucaaradka ku taageer-san yihiin,Qaarna aanay ku taageersanayn Deegaankoodana ay ka dhacayso Diiwaan-gelinta Madaniga ahi,Sidaas awgeed inta qaab noocan oo kale ah ay qolo waliba dhinaceeda ay cid gaar ah u soo abaabulayso wali waxaa taagnaanaya Muranka Diiwaan-gelinta Madaniga ah.Waxaana ay cadaynaysaa in Xeerarka Diiwaan-gelinta Madaniga ah iyo Ka Codbixiyeyaasha ee laysku lifaaqay ay leeyihiin hal u jeedo oo ah Muddo korodhsi,waayo sidani waa marka aynu cabirayno qaabka ay hada wax u socdaan,maadaama aynu doorashooyin badan hore u soo galnay,qaababkii iyo waliba ifa-faalayaashii aanay doorasho ku dhici jirin ay ka mid ahayd abaabulitaanka Madax-dhaqameed hadba cid gaar ah taageersan.DHAMAAD.

 

Khadargurayte@gmail.com

Suxufi,Qoraa,ahna Dhaqaale-yahan

Hargeysa,Somaliland