Tibaaxaha Ka Soo Baxaya Kulan Dareeno Dhaliyay Oo Dhex Maray Madax-dhaqameedka Galbeedka Burco Iyo Dhiggooda Gobalka Awdal

0
539

Picture4Hargeysa(Geeska)-Safar ay salaadiinta, cuqaasha iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Beelaha Habaryoonis Arbacadii ku tageen magaalada Borama ee gobalka Awdal, ayaa wuxuu abuuray dareeno kala duwan oo siyaasadeed.

Safarkaas oo maalin qaatay waxa salaadiinta iyo weftiga Habaryoonis hoggaaminayay suldaanka guud ee Beelaha Habaryoonis Suldaan Maxamed Xirsi-qani, waxaanay kulan la soo yeesheen salaadiinta iyo madaxdhaqameedka Beelaha Samaroon. Kulankaas oo aan wax war ahi ka soo bixin, ayaa waxa la sheegay inay labada dhinac kaga wada hadleen xaaladaha kala duwan ee dalka sida tabashadii ay dhawaan odayaasha reer Awdal u gudbiyeen Madaxweyne Siilaanyo ee la xidhiidhay dhinaca saami-qaybsiga iyo sidii la isku kaashan lahaa marka la gaadho doorashooyinka, waxaana la sheegayaa inay labada dhinac isku afgarteen qodobadii ay ka wada hadleen, oo aan si rasmi ah saxaafadda loogu soo bandhigin.

Sidoo kale waxa la sheegay in salaadiinta Beelaha Habaryoonis ay madaxdhaqameedka Awdal ku casuumeen magaalada Hargeysa, si halkaas loogu sii amboqaado kulankooda labaad. Kulankan oo ahaa kii u horeeyay ee noociisa ah ee dhex mara madaxdhaqameedka laba beelood, ayaa wuxuu kiciyay dareeno siyaasadeed iyadoo la sheegayo inay xukuumadda Somaliland ka sastay safarka salaadiinta iyo kulanka ay la yeesheen dhiggooda gobalka Awdal. Sidoo kale bulshada siyaasadda xiisaysa ayaa si weyn isha ugu haya kulamadaas bilaabmay oo u muuqda kuwo soo kordhin kara jawi siyaasadeed oo macnayaal badan.  Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin oo muddo siddeed sannadood ku siman ku fadhiyay kursiga Madaxweynenimada Somaliland, ayaa waxa si weyn u taageersanaa Beelaha Habaryoonis oo kalsooni badan siiyay, waxaanu Daahir Rayaale ka soo jeeday gobalka Awdal. Dad badani waxay aaminsanyihiin inay Beelaha Habaryoonis maanta Beelaha Reer Awdal uga fadhiyaan taageero la mid ah taageeradii ay u hayeen Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, iyadoo uu doorashada madaxtooyada wakhtigan sharaxanyahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka soo jeeda dhalasho ahaan Beelaha Habaryoonis.