Gudoomiye Saleban Oo Laga Sugayo Labada Xubnood Ee Uu Ku Bedelayo Xubnaha Doorashada Ee Lagu Soo Celiyay

0
611

Picture3Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Md. Saleban Maxamuud Aden, ayaa la filayaa inuu magacaabo laba xubnood oo cusub oo guurtida u meteli doona guddiga doorashooyinka, ka dib markii ay madaxtooyadu ku soo celisay labadii xubnood ee uu gudbiyay.

Md. Saleban ayaa la sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay magacyada labada xubnood oo  kala ahaa Md. Cabdiraxmaan Maxamed Dixood iyo Md. Raabi Cabdi Maxamed, oo ka tirsanaa guddiga doorashooyinka ee uu wakhtigoodu dhammaanayo. Hase yeeshe Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu guddoomiyaha guurtida ku soo celiyay labadaas xubnood, iyadoo la sheegayo in lagu sababeeyay inay ka tirsanaayeen guddigii hore ee doorashooyinka.

Waxaanay wararku sheegayaan in Md. Saleban hadda diyaarinayo labadii xubnood ee uu ku bedeli lahaa labadaas xubnood ee lagu soo celiyay, waxaana soo baxaya magacyada rag badan oo baratan ugu jira ka mid noqoshada labadaas xubnood ee uu magacaabi doono guddoomiyaha Golaha Guurtidu.