Jamaal Cali Xuseen Oo Xukuumada Ku Eedeeyay Rabshadaha Ka Dhacay Gabiley

0
577

Picture2Hargeysa (Geeska)-Musharaxa Madaxaweynaha ee Xisbiga ee UCID Mucaaradka Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay Labadii Sarkaal ee dhawaan la dilay, waxaanu Xukuumadda uu ku eedayey in sidii looga baahnaa aanay ka yeelin aaska Labada Sarkaal, isla markaana aanay u sameeyn aas Qaran, waxaanu sidoo kale uu ka waramay sababta keentay dilka Labada Sarkaal.  Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo wareysi siiyey Horn Cable TV, ayaa sidoo kale tilmaamay inay Xukuumaddu ku guul daraystay soo qabashada Ninkii dilay Labada Sarkaal iyo dadkii ka dambeeyey, waxaanu Bulshada ku dhaqan Gabiley ugu baaqay inay is dejiyaan, oo ay Nabada ilaaliyaan, waxaanu u diray Tacsi, isaga oo arintan ka hadlayana waxa uu yidhi    “Waxa aan doonaya inaan marka hore tacsi u jeediyo qoyskii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen Labadii Sarkaal ee Ciidamada Qaranka Somaliland, Abaan duulihii Guutada 17-aad iyo iyo Madaxii hawl gelinta Guutaada 17-aad, oo Maanta (Shalay), dilkoodu keenay in Mudaharaad weyni gilgilay Magaalada Gabiley, waxaana jecel ahay in marka hore dadka reer Somaliland la qeyb sado tacsidaas iyo geeridaas naxdinta lahayd ee ku dhacday Labadaas Sarkaal, oo ah xaajo ugub  ku ah Somaliland” Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay qaabkii lau dilay labada Sarkaal ayaa yidhi “Si ay marka hore dadku u fahmaan, Nin ka mid ah Askarta, oo anshax xumo loo xidhay, oo ay iyagu u xidheen, ayaa waxa dhacday in la soo daayey ninkaas, cid soo daysana aan la garanayn,Qorina la siiyey, cid Qoriga siisayna aan la garanayn,  ninkaasina uu si xaq daro ah uu labadaas Sarkaal u dilay,sida aan wararka ku hayo, Dadkii hawl-galkaas kala qeyb qaatay iyoNinkiiba lama hayo, dadka reer Gabiley iyo Somaliland oo dhanba uu gilgilay arinkaasi, geeri naxdin leh bey ahayd, geeri ugub ku ah Somaliland ayey ahayd, wax aynu soo aragnayna may ahayn”. Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Jamaal Cali Xuseen isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Anigu mid ayaan leeyahay Shacabka reer Gabiley,oo ah Nabada ha la inoo ilaaliyo, Mudaharaad salmiyana xaq ayaad u liidihiin inaad dareenkiina ku muujisaan. Dawladda Somaliland arinkaasi sida ay u maamushay arin  wanaagsan may ahayn,Labadaas Sarkaal maamuskii iyo qadarintii ay ku lahayn iyo halka ay inaga taagnayn may sinin, oo waad ogtihiin in Calaamka ay Dagaalo ka dhacaan hal Askari oo laga xidho, oo waad ogeyd Isreal waxa ay sameeyso marka hal Askar laga dilo, Raggii gafka geystay iyo Ninkii geystaba Dawladda Somaliland meelna kumay sheegin, aaskii labadaas Sarkaal lama weynayn, lama qadarin, oo xitta Telefeeshinkii Qaranka iyo Idaacadaha kamaan maqal, waxa ku wanaagsayd Dawaldu inay weynayso arinkan, waxa aynu ogeyn in Ambalance yar oo la siiyey Madaarka Berbera ayey Shan Wasiir halkan ka baxaan, oo ay ka qeyb galaan, oo ay ka qeyb galaan Xafladaha, maxa ay ku dhacday in Labadaas Sarkaal aayar  uun Oog lagu aaso, oo aan la weynayn, oo Qaranimada dadka aan loo muujin, arinkaasina waa arin seegay Xukuumadda iyo Madaxweynahaba, waxaan leeyahay labadaba waa in la weynayaa marka Saraakiisheena Milatariga ee Ciidanka Qaranka haddii ay Bilays tahay iyo haddii ay Mlitariga tahayba,marka uu gaf xaq daro ahi uu ku dhaco, in la qari maaha”. Jamaal Cali Xuseen ayaa hadalkiisi ku daray “Waxaan leeyahay Shacabka reer Gabiley samra walaalayaal, waana ogahay inaad codkiini ugu badnaa aad siiseen Dawladda Kulmiye,inkasta oo qadar ALLE ay tahay, oo aany dawladdu keenin, laakiin inay Dawladdu talaabadan talaabo ka duwan sameeyso ayey ahayd”