Guddoomiye Cirro Oo Xukuumada Ku Cambaareeyay Dhaawaca Loo Gaystay Mudaharaadayaaha Gabiley

0
609

Picture1Hargeysa(Geeska):-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) sida oo kalena ah guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si kulul u cambaareeyey qaabkii ay Xukuumadu u la dhaqantay dad-weynaha reer Gabiley oo shalay dhigaayey mudaharaad ay ku muujinaayeen Murugada ay ka qabaan dil Magaalada Qori-lugud loogu gaystay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland,waxaana uu sheegay in uu aad uga xun yahay kana Tacsiyadaynaayo dadkii halkaasi ku geeriyooday Illaahayna uu uga baryaayo in uu caafimaad siiyo dadkii iyaguna ku dhaawacmay rasaas ay ciidamada RRU-du u adeegsatay Mudaharaadayaashaasi. Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaa uu sida oo kale uu Tacsi u diray ehelkii,qaraabadii,Ciidanka Qaranka iyo guud ahaanba shacbiga reer Somaliland ee  ay ka baxeen Labdii Sarkaal ee ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland ee lagu dilay Magaalada Qori-lugud,waxaana uu Illaahay uga baryey in uu Samir iyo Iimaan ka siiyo gaar ahaana dadweynaha Reer Gabiley iyo Dilla oo ay ka soo jeedeen. "Inaa lilaahi wa inaa Ileyhu raajicuun, waxaan halkan tacsi uga dirayaa Qoyaysaska labada Sarkaal ee katirsan Ciidamada Qaranka Somaliland ee lagu dilay, Tuulada Qorilugud,anigoo ilaahay uga baryaya in uu janadii fardowsa ka waraabiyo,gacan ka xaq daranbaa dishaye ilaahay ka abaal mariyo,waxaanan tacsidan u gudbinayaa dhamaanba Ciidamada Qaranka ee ay kabaxeen iyo shacbiga Reer Somaliland guud ahaanba, waxaanan sigaar ah uga tacsiyaynayaa dadweynaha Reer Gabiley iyo Dilla ee ay kasoo jeedeen iyo qoysaskoodii”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Cirro. Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intasi ku daray“Waxaanan si adag u cambaareynayaa, sida ay Xukuumadu ula dhaqantey shacbiga Reer Gabiley ee tacabka ku lahaa dhaawacyada soo gaadhay dhalinyarada mudaharaadayay ee Reer Gabiley aad ayaan uga xunahay, waxaanan leeyahay ilaahay nabar gardaro ha idiinka dhigo,waxa kale oo aan tacsi u dirayaa ilmaha yar ee ku dhintey rabshadaasi,iyo qoyaskiisa,waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu janadii fardowsa ka waraabiyo shacabka Reer Gabileyna, waxaan ugu baaqayaa in ay nabadgelyada ilaashadaan, oo ay dareenkooda si salmi ah ugudbiyaan"Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro).