Madax-dhaqameed Culus Oo Galbeedka Burco Ah Oo Safar Ugu Tagay Dhiggooda Gobalka Awdal Iyo Xukuumada Oo Isha Ku Haysa Safarkaas Oo Ay Suaalo Ka Dhasheen

0
545

Picture8Hargeysa(Geeska)-Madaxdhaqameedka Beelaha Galbeedka Burco, ayaa shalay safar ugu kicitamay magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal, halkaas oo ay kulamo kula soo yeelanayaan madaxdhaqameedka gobalka Awdal.

Madaxdhaqameedka Beelaha Galbeedba Burco, waxa horkacay Suldaanka guud ee beelaha galbeedka Burco Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, waxaanay ka koobanyihiin 9 suldaan, aqoonyahan tiro badan iyo cuqaal, waxaanay guud ahaan tirada weftigu noqonaysaa kontomeeye qof oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada. . Salaadiintu wax war ah kamay soo saarin socdaalkoodan oo uu miisaankiisu u muuqdo mid culus, waxase ay isla shalayba la kulmeen madaxdhaqameedka Awdal. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay waxase la sheegay in qodobadii ay ka wada hadleen ay isku afgarteen, waxaana qodobadaas ugu muhiimsan in la isku xidhnaado.

Waxa la sheegayaa in safarka madaxdhaqameedka Beelaha galbeedka Burco ay sidoo kale qayb ka ahaayeen arrimaha la xidhiidha doorashooyinka soo socda. Waa safarkii u horeeyay ee ay Saladiin reer Somaliland ah oo miisankan oo kale lihi ku tagaan gobal kale si ay ula soo kulmaan madaxdhaqameed kale.

Marka ay dhinaca doorashooyinka timaado Galbeedka Burco iyo Gobalka Awdal, waxa ka dhexeeya xidhiidh soo jireen ah, waxaana laga warqabaa sidii uu Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo dhalasho ahaan ka soo jeeday gobalka Awdal ugu naaloon jiray kalsoonidii Galbeedka Burco oo ay bulsho badani ku sifayn jirtay inuu Daahir Rayaale Kaahin ku jiifay dhab libaax oo looga jeeday galbeedka Burco. Wakhti xaadirkana waxa hoggaaminta dalka u sharaxan guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka soo jeeda galbeedka Burco.

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, xukuumadda Somaliland ayaa indhaha ku haysa safarkaas ay salaadiintu ku tageen magaalada Borama, kaas oo noqday mid suaalo badan la iska weydiiyay.