Labada Hoggaamiye Mucaarad Oo Ka Hadlay Kulan Ay Madaxweynaha La Lahaayeen Oo Baaqday Iyo Farriinta Faysal Cali Waraabe

0
542

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyayaasha Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cadillaahi (Cirro), ayaa Shalay si wadar ah uga hadlay Kulan ay  kula balansanaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), oo baaqday, waxayna sheegeen in markii labaad  kulankoodu uu baaqday, isla markaana Sabtida ay kulmi doonaan,  ujeedada ugu weyn ee ku saabsan kulankan dib u dhacay ee  dhexmarayey Madaxda Labada Xisbi Qaran iyo Madaxweynaha ayaa waxa uu ku saabsan yahay arinta Diwaangelinta.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID  Faysal Cali Waraabe oo isagu ugu horeyn ka hadlay dib u dhac ku yimid kulan ay isaga iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu ay la lahaayeen Madaxweynaha Somaliland, waxaanu sheegay inay kulamadan ay Madaxweynaha la lahaayeen uu ku saabsanaa  inay ka wada hadlaan Diwaan gelinta Madaniga ah oo uu sheegay inay caqabad ku tahay inay dalka ka dhacdo doorasho.

 Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay laba jeer ay ku soo noqdeen Madaxweynaha, waxaanu tilmaamay inay labada jeerba ay iyagu go’aansadeen inay u tagaan Madaxweynaha, si ay uga hadlaan Xeerka Diwaangelinta, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Waa markii labaad ee aan ku soo noqono Madaxweynaha, labada jeerba anaga ayaa go,aansanay inaanu u tagno waayo waxaanu aragnaa in xeerka la gudbiiyey aanu ahayn xeer wadanka u fasaxaya inay doorasho ka dhacdo,  waxaan aragnaa in habka loo wado Taysarada inay tahay hab lagu habsaaminayo inay doorasho dhacdo, waxaanu jecelnahay inaanu balanta ugu danbaysa Maalinta Sabtida  isku aragno Madaxweynaha oo  aanu ka soo saari doono war.”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wata ayaa  yidhi  “Waxaanu kala hadlaynaa inay ku soo noqdaan habkii lagu heshiiyey iyo inaanu arintaas iska hor taagno si ay doorasho u suurta gasho, Taysarada lama diidana laakiin caqliga ma gasho Taysaro marka la qabto ayaa layna ictiraafayaa waa wax Habraha loogu sheekeeyo, Taysaro marka la qabto ayaa Diwaangelinta codbixinta la qabanayaa oo waa laga soo dhex saarayaa taasina wax suurta galaysa maaha, waxaan u aragnaa khidad wadanka mugdi galinaysa, haddii aan arintaas Sabtida laga heshiina war danbe ayaanu ka soo saari doonaa.” Gudoomiyaha xisbiga UCID oo la waydiiyey  baaqashada kolba ku imanaysa kulamada ay doonayaan inay la qaataan Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Taas iyaga ayaa la waydiin laakiin anagu ilaa bishii hore 23-keedii ergo ayaanu ahayn, waar ka daaya sidan wax loo wado ayaanu lahayn, waanu naga soo dhamaanayaa dulqaadkii,  hadaad dib u raacdo taariikhda 1994-kii dagaalku waxa uu ka dhacay laysku joojin maayo,  laysku joojin maayo dalkani ku socon maayo, haddii laysku joojin waayana cawaaqib xumo ayey yeelan doontaa.”

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo isna ka hadlay kulanka  baaqday ee  dhexmari lahaa iyaga iyo Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxa uu xusay in dib u dhaca ku yimid kulanka ay la lahaayeen Madaxweynaha ay sabab u tahay balan uu la lahaa Madaxweynuhu Bulshada rayidka ah, balse ay u kulankoodu uu dhici doono Sabti haddii ALLE idmo, waxaanu yidhi “Kulankaas sida aad uga war haysaan wuu baaqday, markaas arintaas ka khaldan Diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo Diiwaangelinta kale ee Muwaadiniinta iyo kala madax banaanidooda, ayaanu u nimid in aanu kala hadalno Madaxweynaha, Madaxweynuhuna Maanta (Shalay), balan ayuu la lahaa Bulshada rayidka”. ah, balantii ayaa wali socota, waxaana la kulmaynaa Sabtida haddii ILLAAHAY ka dhigo,