Madaxweynaha Oo Arrimaha Diiwaangelinta Kala Hadlay Bulshada Rayidka Ah

0
549

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa shalay madaxtooyada  ku qaabilay Ururada Bulshada Rayidka ah, waxa uu kula dardaarmay sidii Bulshada loo fahansiin lahaa dardar galinta iyo hirgalinta Qaadashada Kaadhka Dhalashada. Madaxweyne Siilaanyo ayaan soo hadal qaadin qaadacaada Mucaaradka iyo muranka ku salaysan Diwaangalinta Madaniga ah ee u dhexeeya Mucaaradka iyo Xukumadda. Ujeedada Kulankan ayaa ku saabsanayd sidii Ururada Rayidka ahi Xukuumadda ugu barbar istaagi lahaayeen islamarkaana Bulshada ugu wacyi galin lahaayeen Diwaangalinta Madaniga ah ee Muranku hadheeyay Maalmihii u dambeeyay ka dib markii Mucaaradku diidmo xoog leh ka muujiyay hanaanka Xukumaddu u wado Diwaangalinta Madaniga ah. Madaxweyn Siilaanyo oo Arrintaasi ka hadlayaa  waxa uu yidhi.  “Waxay ila tahay waa waajib ina wada saaran qaadashada Warqada Aqoonsiga, Arintaas iyo siday u shaqaynaysana waxaa inoo sharaxay Wasiirka (Cali Warancadde), waxay ila tahay haddii aynu nahay umad inaynu muujinno umadnimadeena iyo dad-nimadeena oo aynu sugno oo aynaan cidna uga habran waa waajib iyo xil inaga wada saaran qaranka, sidaa daraadeed Anagu haddaanu dawladda nahay waajibaadka nala gudboon waanu ka qaadanaynaa xilkayagana waanu ka soo baxaynaa“ ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaanu jecelahay inaynu Diwaangalinta Codbixiyaha Meel uga soo wada jeedsano haddii ay tahay Ururada Bulshada, Hay’addaha kala duwan iyo Asxaabta Mucaaradka ahba. Waxaan rajaynayaa inaynu hawshaa meel uga soo wada jeedsano Kuligeenba oo Illaahayna inagu guuleeyo oo aynu waajibkeena ka soo wada Baxno Insha Allah”Ayuu Madaxweynuhu.