KULMIYE Oo Ka Hadlay Eedaymo Kaga Yimid Labada Xisbi Mucaarad

0
476

Picture4Hargeysa(Geeska):-Hogaanka sare ee Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE ayaa iska fogeeyey eedaymo ay Axsaabta Mucaaradka ahi ay u so jeediyeen,ku waasi oo sheegayey in Xisbiga KULMIYE uu kaga baxay balan ay la lahaayeen Axsaabta Mucaaradka taasi oo lagaga wada hadlaayey sidii xal looga gaadhi lahaa Diiwaan-galinta Muddooyinkii danbe muranka xooga ah dhalisay.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE Md:Maxamed Kaahin Axmed oo shalay warbaahinta ugu waramayey magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE uu diyaar u yahay in laga wada hadlo arrimaha Diiwaan-gelinta balse aanay jirin balan rasmi ah oo ay wada yeesheen Axsaabta Mucaaradka ah iyo Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE.

"Xisbiga KULMIYE marna kamuu bixin,waxii ay ku heshiiyeen Axsaabta Qaranka,Komishanka Doorashooyinka iyo Qaadhaan bixiyeyaasha,Axsaabta mucaaradka ah waxaa ay noo joogtay anaga oo ka hadlayna is waafajinta arragtiyaha kala duwan ee laga qabo Xeerka qabyada ah ee horyaala Golaha Wakiilada ayey Xisbiyada Mucaaradku ay soo saareen go'aan ay ku qaadaceen,Diiwaan galinta madaniga ah kaasina waxaa uu ahaa go'aan ay Xisbiyada Mucaaradku ay goonidooda ay u soo saareen”Ayuu yidhi Md:Maxamed Kaahin Axmed

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaa noo xigtay shalay(Doraad) bisha 16-keedii oo ay nala soo xidhiidheen oo ay isla galabtii inta ay balan noo qabteen,anaguna waxaa aanu u soo jeedinay in ay dag dagtahay Xisbi ahaana in aanu ka wada hadalno aanu u baahanahay,iyagana aanu Ajandaha iyo madasha aanu isla meel dhigno,isla xalayna waxaa ay soo saareen eedayn ay nagu eedaynayaan in aanu balan kaga baxnay,Markaa anagu kulamada hore ee ay Wasiirada la yeesheen kama aanu mid ahayn,waxaana aanu dee u arkaynaa marwalba in waxii dan u ah laga wada kulmi karo”.