Hayada GAVO Oo Soo Qaban-qaabisay Kulan Lagu Darsaayo Siyaasadda Lagu Hagayo Xanuunada Dhimirka

0
560

Picture3Hargeysa(Geeska):-Kulan ay soo qaban qaabisay Haayada Waddaniga ah ee GAVO oo ay ka soo qayb-galeen daneeyayaasha ka shaqeeya Xanuunada dhimirka,ayaa diirada lagu saarayey sidii  did u eegis loogu samayn lahaa wax yaabaha uga qabsoomay Tobabaro hore oo ay Haayada GAVO u qabatay bishii January daneeyayaasha ka shaqeeya Xanuunada Dhimirka.waxaana sida oo kale lagu lagu falan qayn doona halka ay marayso Siyaasada ay Xukuumadu u dajanayso qaabkii loola dhaqmilahaa dadka qaba Xanuunada dhimirka sida oo kalena lagu hagi doono Xarumaha ka shaqeeya Xanuunka dhimirka oo ay hore uga qayb qaateen danayeeyayaashani.

Kulankan oo Haayada GAVO la kaashanaysay Haayada GRT oo ah Haayad ka shaqaysa Xanuunada Dhimirka,socon doonana muddo laba cisho ah ayaa shalay ka dhacay Hotel Summer Time ee Magaalada Hargeysa,waxaana ka soo qayb galay Madaxa Mashruuca Xanuunada Dhimirka Ee Haayada GAVO Md:Cabdirashiid Cabdilaahi Ismaaciil,Madaxa Caafimaadka ee Haayada GRT Md:Cabdirisaaq Maxamed Warsame,Isu duwaha Xanuunada Dhimirka ee Wasaarada Caafimaadka u qaabilsan Cisbitaalka Hargeysa,Daneeyayaasha Xanuunada Dhimirka iyo Dadka ka shaqeeya Goobaha lagu Xanaaneeyo dadka qaba Xanuunada dhimirka.

Madaxa Mashruuca Xanuunada Dhimirka ee Haayada waddaniga ah ee GAVO Md:Cabdirashiid Cabdilaahi Ismaaciil,oo ugu horeyn kulankaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyey u jeedada kulanka.

"Hawshan aynu maanta qabanaynaa,waxaa ay daba socotaa waxa weeye Siyaasada Xanuunada dhimirka,oo hada muddo dheer laga joogo aynu Wasaarada ku samaynay,oo ay sameeyeen dadka loo yaqaano daneeyayaasha ka shaqeeya Xanuunka dhimirka,Siyaasadaasina halka ay marayso hada ayaa aynu isla eegi doona oo waxaan loo gudbiyey Baarlamaanka ayaan filayaa,laakiin dadkii ka qayb qaatay qoraalkeeda,hagaajinteeda,Is-ku duba ridkeeda,qorideedaba oo ay ka qayb qaateen qolooyinkeena ku hawlan xanuunka dhimirka,oo ay ka mid yihiin GAVO,Ururada kale ee maxaliga ahba,markaa maanta tana waxaa ay daba socotaa arrimahaas,iyo waxyaabihii kale ee ay qolo kasta u qabsoomay ee Xanuunada dhimirka ah qolooyinkeenan ka hawl-gala oo ay xarun kastaaba inta ay hayaan,inta ku soo korodhay iyo shaqooyinkooduba sida ay yihiinba ayaa ay ka warami doonaan"Ayuu yidhi Md:Cabdirashiid Cabdilaahi Ismaaciil,

Madaxa qaybta Caafimaadka ee Haayada GRT Md:Cabdirisaaq Maxamed Warsame oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay kulankani uu noqon doono,aan lagu korodhsan doonin Xirfad aqooneed balse dib u eegis lagu samayn doono wax yaabaha daneeyayaasha ka shaqeeya Xanuunka dhimirka uga soo qabsoomay,kulamo hore oo ay tobaro xirfad aqoon koradhsi ah ay Haayadahaa GAVO iyo GRTA ay si wada jira u siiyeen.

"Shirkeenani waxaa uu daba socdaa kuwii hore ee aynu isagu iman jirnay,markaa shirkeenan amaba isu imaatinkeenan maaha Tobabar ama Xirfad aynu korodhsanayno,ee waxa weeye isu imaatinkii aynu isu iman jirnay si aynu u sii xoojino,ama dabada uga riixno,ama aynu u hagaajino nidaamkii Xidhiidhka ahaa ee daneeyayaasha caafimaadka dhimirka,waana xoojinta,xidhiidhka iyo Siyaasadii dhimirka ee ay markaa ka wada qayb galayeen daneeyayaashu markaa hawshaas ayaa aynu labad cisho ee soo socota aynu isla eegi doona kan kii ka horeeyey waxa aynu qabanay bishii January oo intaa bal waxii u dhaxeeyey labadaa wakhti waxii inoo qabsoomay Wasaarada Caafimaadkuna ay hogaan ka tahay gaar ahaan qaybta dhimirku,oo inaguna aynu nahay daneeyeyaashii hawshan ka qayb galaayey,waxaanan rajaynayaa labadaa cisho in aynu midho wax ku ool ah aynu ka soo saari doono,waxii horena aynu isla eegi doono,markaa hadaanu anagu aana nahay Haayada GRT waxaa marwalba naga go'an in aanu ka shaqayno Caafimaadka dhimirka ee Somaliland,waxaa kale oo naga go'an in aanu la shaqano Wasaarada Caafimaadka iyo Wasaaradaha kale ee danaynaaya"Ayuu yidhi Md:Cabdirisaaq Maxamed Warsame

Madaxa Cisbitaalka Hargeysa u qaabilsan Xanuunada Dhimirka Dr:Mustafe Xuseen  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ka Wasaarad ahaan ay si aada u soo dhawaynayaan,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay si aada diyaar ugu yihiin in ay la shaqeeyaan cid kasta oo danaynaysa waxtarida dadka qaba Xanuunada dhimirka.