Masuuliyiin Ka Tirsan Wasaaradda Beeraha Iyo FAO Oo Kormeeray Beeralayda Baki

0
533

Hargeysa(Geeska)-Wefti uu hogaaminayo wasiirka beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole ayaa maalintii shalay kormeer ku sameeyey kanaalo ay beeralayda deegaanka Baki u dhistay hay’adda FAO.

Weftigan uu hogaaminayey wasiirka beeruhu ee kormeerka ku sameeyey kanaalo iyo ceelal ay hay’adda FAO u dhistay beeralayda deegaank Baki ayaa waxa ka mid ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha C/laahi Faarax Ismaaciil, La taliyaha Wasiirka Ibraahim Carab, Af-hayeenka Wasaaradda Sacad Muuse Cabdi iyo masuuliyiin ka tirsan hay’adda FAO oo ay ka mid yihiin Daria iyo Mallukuto, iyada oo sidoo kale karmeerkan ay ku wehelinayeen masuuliyiinta deegaanka Baki.

Intii uu socday kormeerkan ayaa waxa ay weftigu soo indho indheeyeen sida ay dadweynuhu uga faa’iidaysteen kanaalada ay hay’adda FAO dhistay iyo sidoo kale ceelal ay iyaduna dhistay, waxaanay masuulyiintu dareenkooda ka dhagaysteen beeralayda deegaanka.

Beeralayda deegaanka Baki ayaa waxa ay dareenkooda ku muujiyeen sida ay u soo dhaweynayaan ceelasha iyo kanaalada loo dhisay, iyaga oo xusay inay dooxa oo beeraha qaar wax yeeleeyeyna ku rajo weyn yihiin in wax lagala qabto.  Wasiirka beeraha Faarax Cilmi Geedoole oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu xusay inay mar kasta u heelan yihiin inay wax la qabtaan beeralayda.