Sababaha Keena In Carruurtu Ay Waxbarashada Nacaan Ama Dugsiga Tegitaankiisa Ay Diidaan (Q.2aad)

0
620

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo ah tii 2aad ee taxanihii Geeska Afrika soo turjumay ee ay khubarada arrimahan ku xeel dheeri kaga waramayaa sababaha keeni kara in ilmuhu naco waxbarashada ama ka soo istaaga inuu dugsigua tago waxa ay ujeedadeedu tahay in marka dhibta la garto ay fure u noqon karto in xalkeedana la raadiyo ama si sahal ah loo helo:

– Dhiirri-gelin la’aan: Ilmuhu caadi ahaan ma garan karo faa’idooyinka waxbarashadu u leedahay noloshiisa, waxa aanu mar kasta dareemayaa in ay tahay hawl dhibteeda leh, marar badanna kuba culus, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in mar kasta uu waalidka ka helo dhiirri gelin nafsiya iyo in niyadda loogu dhiso in uu ku sii socdo waxbarashada, isla markaana laga caawiyo in uu la qabsado is-bedelladda waxbarashada ee hadba jiho qaadanaya inta waxbarashadu dhammaystirmayso, nafsiyanna u arko in ay tahay hawl fudud oo uu u baahan yahay in uu waqti badan maalin kasta ku qaato.

– Nidaamka iyo siyaasadda dugsiga oo soo dhoweyn waaya ardayga: Dugsiga oo aan lahayn nidaam cilmiyeysan iyo hannaan uu u maro barbaarinta ubadka oo tusaale ahaan sida marar badan dhacda uu dugsigu noqdo goob qallafsanaan badan iyo ciqaab uun lagu yaqaanno, siyaasadda uu ku socdaana tahay in ardayga oo xoog ahaan laga adkaadaa ay tahay habka waxbarasho ee ugu fiican waxa ay keentaa in ardaydu ay nacaan waxbarashada, ama ay ku tagaan niyad jab oo ay taasi ku keento saaqidnimo iyo in marka uu weynaado uu iskaga tago dugsiga.

– Noocyada ciqaabta ee dugsigu ku dhaqmo: Dugsiga oo mara nidaam ciqaabeed aan cilmiyeysnayn ama ardayda u kala aabo yeelayn xaaladahooda nafsiga ah iyo da’dooda, sida in ardayga lagu kallifo in hal laylis ama imtixaan uu dhowr jeer oo is xiga ku noqdo, xataa haddii uu qaldayo, in xiisadaha qaar fasalka dibadda looga saaro, ama in mar kasta ciqaab loogu hanjabaa waxa ay ardayga ku keenaan niyad jab iyo in waxbarashada uu ka qaato in ay tahay ciqaab iyo dagaal aanu u sii adkaysan karayn.

– Kalgacal iyo naxariis la’aan: Haddii ilmuhu uu dugsiga ka arki waayo jawi soo dhoweeya, oo ardayda iyo macallimiintaba ah, isuna arko in aanu dugsiga ka helayn ixtiraam iyo qaddarin waxaa ku dhaca sakati iyo didmo aakhirka nacsiisa dugsiga iyo wax kasta oo ku abtirsada.

– Ilmaha oo dugsiga ka waaya hiwaayaddiisa: Waxaa hubaal ah in ruux kastaa oo uu leeyahay hiwaayad u gaar ah oo uu jecel yahay in uu naftiisa ku maaweeliyo, waxa uu ardaygu u baahan yahay in hiwaayadda xun yaraanta lagaga jaro oo mid wanaagsan loogu beddelo, laakiin haddii uu dugsiga ka dareemo goob aanu ka helayn xarakaad ku filan, ciyaar ku habboon iyo in loo ogol yahay hiwaayaddiisa iyo waxa uu awoodda u leeyahay ama u diyaarsan yahay waxa ay taasi ku keenaysaa niyad jab iyo diiqad badan oo nacsiiya dugsiga.

– Layliska Shaqo guri oo lagu cusleeyo: Ilmaha oo uu dugsigu ku cusleeyo laylisyada shaqo guri ah ee laga rabo, oo uu ardaygu dareemo in aanu helayn waqti firaaqo oo u dhexeeya dugsiga iyo laylisyada shaqo guri waxa ay ku keentaa caajis iyo in uu aakhirka waajibaadkaas u gudan waayo sidii laga rabay, taasina waxa ay dhaxalsiisaa in macallinku ciqaabo, ciqaabtaas oo iyaduna aakhirka sabab u noqota in uu dugsigaba naco.

– Ardayga oo la dhegeysan waayo: Da’ kastaba ha ahaado ee ardaygu waa qof bani’aadam ah oo leh garaad iyo caqli da’diisa ku jaan go’an, waxa uu leeyahay qaab uu u fikirayo iyo aragti uu qabo, amarrada la siinayo, waajibaadka laga rabo iyo waxa loo iibinayo ama ciyaarta loo fasaxayo dhammaan aragti ayaa uu ka leeyahay, sidaa awgeed waxa uu u baahan yahay in marka hore fikirkiisa la dhegeysto waxa ka qaldanna loo toosiyo si xikmadaysan oo aanu jujuub iyo qasab ka dareemayn. Ardayga oo rayigiisa iyo cabashadiisa la dhegeysan waayo, mushkiladihiisana si uu ku qancayo loo raadin waayo iyada oo weliba xal uu ku faraxsan yahay lala doonayo waxa ay abuurtaa in ay kala fogaadaan bulshada dugsiga kula nool, aakhirkana uu jeclaysto in uu ka fogaado. Dhammaad.