Labada Xisbi Mucaarad Oo Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Ku Eedeeyay Inay Ka Baxeen Wada Hadal Lagaga Tashanayay Muranka Diiwaangelinta Madaniga Ah

0
492

Picture8Hargeysa(Geeska)-Kulan shalay la filayay inuu u furmo labada xisbi mucaarad iyo xukuumadda, oo lagaga hadlayay sidii heshiis looga gaadhi lahaa diiwaangelinta madaniga ah ee muranka badan keentay, ayaa fashilmay ka dib markii ay xukuumadda Somaliland ka soo xaadiri weyday.

Kulankan oo la filayay inuu ka furmo hoteelka Ambassador ee Hargeysa, gelinkii dambe ee shalay ayaa waxa goobtii tagay oo keliya madaxda labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID oo ay hoggaaminayeen labada guddoomiye xisbi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Md. Faysal Cali Waraabe, halka xubno wasiiro ah oo la filayay inay kulanka ka qayb galaan aanay ka soo xaadirin.

Shirjaraa’id ayay labada xisbi xalay fiidkii qabteen, kaas oo ay kaga hadleen arrintan.  Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo ugu horeyn shirkaasi jaraa’id ka hadlay aya waxaa uu yidhi: "Waxaa ay shacbiga Somaliland wada ogaayeen in Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ay u socdeen wada-hadal,maantana ay ahayd markii arrinta la soo gaba-gebayn lahaa oo shantii galabnimo loo balan sanaa,Xukuumadaasi ama Wasiiradaasi waxaa ay noo sheegeen in arrintii lagu  wareejiyey Xisbiga KULMIYE,Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiina labadii midna muu iman,iyada oo Xisbiyada Mucaaradku ay Illaa galabta(Shalay)illaa sideedii habeenimo ay joogeen halkii ay balantu ahayd,aad iyo aad ayaanu uga xunahay oo waxaanu doonaynay anagu in ay Doorashadu dalka ka dhacdo oo ay Diiwaan-gelintuna ay sideedii u qabsoonto"Ayuu yidhi Md:Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde

Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Md:Cabdinaasir Yuusuf Qodax,waxaana uu sheegay in ay ka Axsaab Mucaarid ahaan ay dib uga tashanayaan talaabada ay doonayaan in ay arrintan ay kaga jawaabaan.

"Sida ay noo soo sheegeen,waxaa ay nagu soo wargeliyeen in hogaanka Sare ee Xisbiga KULMIYE uu noo imanaayo,labadoodiina midna ma hayno,markaa anaguna waxaanu ka Asxaab ahaan aanu go'aan ku gaadhnay in aanu dib isagu noqono oo aanu waxii aanu yeelayno iyo waxii aanu talo ka qaadanayno iyo waxii aanu ku tashanaynaba aanu ku tashano"Ayuu yidhi Md:Cabdi-naasir Yuusuf Qodax