Xildhibaan Buubaa Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Inay Doonayso Marmarsiiyo Ay Doorashooyinka Dalka Dib Ugu Dhigto

0
459

Picture7Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Joogta ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ahna Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa waxa uu Xukuumadda ku eedayey inay wado marmarsiiyo ay ku doonayso in Doorashada dib u dhigto, kuna soo gabanayso Diiwaangelinta Madaniga, waxaanu tilmaamay in khilaafka ka taagan Diiwaangelinta ay sabab u tahay Xukuumaddu, waxaanu ku eedayey inay ku darsatay qodobo aan ku jirin markii Komishanku ay u soo gudbiyeen.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa sidoo kale waxa uu Xukuumadda ku dhaliilay inay ka baxday heshiiskii la isla ogaa ee ay sida wada jirka ah u saxeexeen Saddexda Xisbi Qaran, Komishanka Doorashooyinka, Deeq bixiyayaasha iyo Madaxweynuhuba, waxaanu xusay in aanay macquul ahayn in mar la wada bilaabo Diiwaangelinta Madaniga iyo Diwaangelinta cod bixiyayaasha, isaga oo sabab uga dhigay in Diiwaangelinta Madanigu tahay mid sal balaadhan, oo muddo kooban aan lagu dhamayn karaynin.

Xildhibaan Ibraaahim Mahdi Buubaa ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika u waramayay waxa uu ka jawaabay hadalo uu sheegay inay dhawaan ka soo yeedheen  Xukuumadda ee ahaa Xamar iyo Mucaaradkiiba way qaadaceen Diiwaangelinta, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay dadka beenta ka dayso ee waxa ay hayso Bushada u soo bandhigto, diyaarna u noqoto Doorashada, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay  “Xukuumaddu wax ay Golaha Wakiilada u soo gudbisay Xeer ay ku sheegtay Xeerka Diiwaangelinta Madaniga iyo Cod bixiyayaasha, Labada Xisbi Mucaarad sida la og yahay waxa ay qaadaceen waxa lagu magacaabay Diiwaangelinta Muwaadiniinta, oo dadka waxooga mad madawa oo ay fahmi kari waayeen ayey arintaasi ku keentay, waxa aan doonaya in aan dadka u caddeeyo waxa ay qaadaceen Xisbiyada Mucaaradka ahi iyo ujeedada iyo nuxurka ay xanbaarsan yihiin, Xeerkan imika isa saareen ee Xukuumadda Golaha soo hor dhigtay iyo halka uu asalkiisi horeba ka yimid”.

XIldhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo ka hadlaya sababta dhabta ah ee Xisbiyada Mucaaradku ku qaadaceen Diiwaangelinta ayaa yidhi “Qaadacada ay Xisbiyada Mucaaradku qaadaceen Diiwaangelinta Madanigaah, ujeedadu maaha Diiwaangelin Madaniya ayaan dalka laga qabanin, ee sida lala wada socdo Doorashadii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada fooda ayey inagu soo haysa, oo muddo yar ayaa ka hadhsan, oo Diiwaangelinta cod bixiyayaasha iyo Nidaamka Doorashada ay dalka ugu qabsoomaysaba Beesha Caalamka ayaa inaga caawinaysa, waxa kale oo lala socday inuu jiro heshiis Saddex geesood ahaa oo u dhexeeyey Komishanka Doorashooyinka, Deeq bixiyayaasha, Labada Xisbi Mucaarid, Xisbul Xaakimka iyo Xukuumadda, ayaa Saxeex wada qaatay, waxayna ku heshiiyeen inay DIiwaangelinta Cod bixiyayaashu in aanay u dabranaan Diiwaangelinta Madaniga ah ee Xukuumaddu wado, heshiiskaas Madaxweynaha laftiisa warqad ayaa laga saxeexay ah inuu og yahay raalina ka yahay arintaas, ujeedada heshiiska loo kala qortayna waxa ay ahayd in aan Doorashadu aanay dib u dhicin, raali ayaa lagu wada ahaa, nasiib daro se markii Komishanka Doorashooyinku ay soo gudiyeen Xeerkii Nidaamka Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha ee 2007, isbedel yar oo koobana ku sameeyeen, waxa uu xanbaarsanaa Saddex qodob oo kaliya, oo nuxurkiisu xanbaarsanaa, in qalabkan DIiwaangelinta lagu galayo in Xeerka la waafajiyo, oo qofka qaadayana Kaadhka in Indhihiisa la sawiro, iyo marka Diiwaangelintu dhammaato in la muddeeyo wakhtiga ay Doorashadu dhacayso, oo markii hore ahayd marka Diiwaangelintu dhammaato in lix bilood ka dib Doorashada ugu horeeysa dalka ka dhacdo, markaas madaama uu wakhtigu cidhiidhi yahay waxa laga dhigay in lix bilood gudahood marka ay Diiwaangelintu dhammaato inay ku qabsooman Doorashada Madaxtooyada iyo Doorashada Barlamaanka, waxa kale oo ku jiray qodob kale oo ah in dadka la baray qalabka lagu  shaqaynayo dambiyada ka dhalan kara haddii ay ku shaqayn waayaan”

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Nasiib daro ayaa dhacday oo markii ay Komishanku ay u soo gudbiyeen Xukuumadda, ayaa waxa ay Xukuumaddu sameeysay inay burburiso Xeerkii, oo magaciisina wey baabisay oo waxa ay ka dhigtay Xeerka Diiwaangelinta  Muwaadinka iyo Cod bixinta, oo hore umaynu lahayn Xeerka Diiwaangelinta Muwaadinka, waana Xeer dhan oo u baahan Sharciyadiisa iyo jihayntiisa, waana Xeer loo baahan yahay inuu gaarkiisa u taagnaado, waxa kale oo meesha ay ku soo qoreen heshiiska la galayna ka hor imanaya qodob odhanaya marku qofku qaato Kaadhka Muwaadinka ayuun buu qaadan karaa Kaadhka Doorashada uu ku galaayo, waxa kale oo ay sheegeen in Diiwaangelinta Muwaadinka  laga qaadan doono laba boqol oo goobood oo qudha, dalka oo dhan, inaga oo og in laga qaban jiray Doorashada kun iyo laba boqol oo goobood dalka oo dhan, marka la yidhaahdo kun iyo laba boqol oo goobood ayaa laga qabanaya Cod bixinta, ma is leekanayan dadkii goobaha diiwaangelinta ka qaatay, waa maya, isku misaana noqon mayso, waxayna leeyihiin laba bilood ayey Diwaangelinta Madaniga ahi soconaysa, wax suurtagal noqon karayaana maaha, maxa yeelay Diiwaangelintu Madanigu waa mid sal balaadhan, oo loo baahan yahay inay mar  walba dadka la diiwaangeliyo, oo Caruurta dhalata la diiwaangeliyo, oo qoysaska cusub la diiwaangeliyo, qofka dhintana laga saaro, Xafiiska Diwaangelinta Madaniga ahina waa Xafiis waligiiba furnaanaya”.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba, mar uu ka hadlaayey eedo ay u soo jeedisay Xukuumadda labada Xisbi Mucaarid, waxa uu yidhi “Xukuumaddu waxa ay ku andacoonaysaa oo ay ku jiho wareerisay Bulshadii Xamar ayaan ogelayn Diiwaangelintii oo ashkataysay, Xisbiyada Mucaaradka ahina wey la qabaan, oo isku fikir ayey noqdeen, ujeedadu sidaas maaha, maxa yeelay Xamar weynu ka go’nay, Somaliyana kama mid nihin, Somaliland waxa ay ku dhisan tahay mabaadi aasaasiya, oo Bulshada reer Smaliland go’aasatay, cid taaban kartaana ma jirto, in Xukuumaddu Durbaan beena u garaacdo Dadka oo ay tidhaahdo Xisbiyada Mucaaradka diidan Diiwaangelinta maaha,waana farsamo ay Masaakiinta iyo Shacabka aan war badan hayn ay ka dhaadhiciso, kagana lumiso dariiqi saxda ahaa, waxa kale oo jira in Xukuumaddu Maalin walba waraaqo u dirto Wadamadii inaga caawinaayey Diiwaangelintii Cod bixiyayaasha inay ku akhriyayso Golaha Wakiilada ayaa Xeerkii haysto oo diidan in la ansixiyo, waa been, oo waxa ay doonaysa dambiga ay ku jirto inay cid kale ku moosto, Golaha Wakiiladuna waxa  uu doonaya inay Doorashada ay wakhtigeedii ku dhacdo, oo Doorashada Madaxtooyadai  yo Golaha Wakiilada isku maalin la qabto, xeerkana la is waafajiyo, habeena aan dib loo dhigin, labada xeerna la kala saaro, oo Xeerka Diiwaangelinta cod bixiyayaasha uu noqdo Xeer madax banaan,  waa in Shacabku fahmaan beenta indho sarcaadka ah ee ay Xukuumaddu u sheegayso, ee Xisbiyada Mucaaradku ma diidana Diiwaangelin Madaniga ah, laakiin waxa ay diidan yihiin in la isa sudho Diiwaangelinta Madaniga iyo Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha, oo laba bilood lagama gaadhsiin karo”.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, mar uu Xukuumadda ku eedayey inay marmarsiiyo ka dhigayso Diiwaangellinta si ay Doorashadu dib u dhac ugu yimaado, ayaa yidhi “Xukuumaddu waxa ay doonaysa inay dib u rido Doorashada, marmaarsiiyana ay uga dhigto Diiwaangelinta Madaniga, oo haddii ay daacad ka yihiin Diiwaangelinta Madaniga, Afar Sanno iyo badh ayey dalka haysatay Xukuumaddani ee markii ay dalka qabsatay maxay u bilaabi weyday, markaas waxa aan leeyahay Dunidu wey idin aragtaa, Shacabku uu idin arkaa, Golaha Wakiiladu wey idin arkaan, waxa aad isku badhxaysaan ee aan is galayn kala daaya, ee waa idinkan leh dalka iyo dadkaba wax ayaanu u qabanay, ee waa lana dooranayaa, diyaar ahaada, oo waxa aad qabateen dadka u soo bandhiga,beentana dadkka ka dayaa, oo Diiwaangelintii cod bixiyayaasha dalka ka hirgeliya.”