Golaha Wakiilada Oo Ansixiyey Xeerka Hay’ada Dhawrista Tayada, Sabtidana U Balamay Xeerka Diwaangelinta

0
492

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ansixiyey Xeerka Hay’adda Dhawrista Tayada oo Maalmihii u dambeeyay ay ka doodayeen. Xildhibaanada ayaa wax ka bedel kooban oo lagu sameeyay xeerka ka dib cod gacan taag ah ku ansixiyay xeerkaasi

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo Shir gudoominayay Fadhiga oo shalay ka qabsoomay Aqalka Golaha Wakiilada ayaa waxa goob joog ka ahaa 52-Xildhibaan.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isagu Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee fadhigaas goob jooga ka ahaa ayaa waxa uu ka codsaday inay gacanta taagan Xildhibaanada ogol Xeerkan, Xildhibaanada diidan iyo Xildhibaanada ka aamusay, gacan taag kadib Guddoomiyaha oo ka hadlay sida gacan taagu u dhacay ayaa yidhi  “Golaha waxaa jooga 52 Mudane, waxaa ogolaaday in xeerka la ansixiyo 49 mudane, 1 Mudane wuu diiday, 1 mudane wuu ka aamusay, gudoomiyuhuna ma coddayn sidaasi ayaanu ku ansaxay xeerka Hay’adda Dhawrista tayada”.

Dhinaca kale Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maalinta Sabtida waxa ay u balameen inay Xeerka Diiwaangelinta oo muran weyni ka tagan yahay, waxaana la eegi doona sida ay waxa u dhacaan Sabtida haddii ILLAAHAY SWT yidhaahdo.