Hay’adda AET Oo Xaflad Qalan Jabin Ah U Qabatay Arday Ka Qalan Jabisay Jaamacada IUIU Ee Dalka Yugaandha

0
662

Picture3Hargeysa (Geeska)-Hay’adda African Education Trust ayaa munaasibad aad u balaadhan u qabtay  Arday ka  qalan jabisay Jamaacada Islamic University in Uganda, oo ku taala dalka Uganda, waxna ku barnaayey Xarunta Jaamacada Hargeysa.

 Ardaydan qalan jabisay  oo ahaa 14 Arday ayaa waxa ay ka qalan jabiyeen  Mashruuca ay hirgelisay Hay’adda AET, oo ay maalgaliyeen Midawga Yurub, waxayna   Ardaydani ka baxeen  Kuuliyada Waxbarashada. 

Munaasibadan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Imperial Hotel waxaana ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Madaxda, Maamulka iyo Shaqaalaha Hay’adda AET, Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa, Masuliiyin ka socday Jaamacada Islamic University in Uganda, Ardayda qalan jabisay, Waalidiin iyo Marti sharaf aad u tiro badan.

Axmed Cumar Quule oo isagu ah Ardaygii ugu weynaa ee ka qalan jabiysay, ayaa u mahadnaqay Jaamacada Islamic University in Ungada iyo Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo uu sheegay inay wax badan la qabatay, waxaanu ka waramay waxyaabihii uu ay ka faa’iideen Kuuliyadan ay ka qalan jabiyeen oo ah Waxbarashada, gaar ahaana Shahaadada  Post Graduate Diploma.

Nuura Caydiid Axmed oo iyana ka mid ah Ardayda ka qalan jabisay qeybta Waxbarashada oo iyana halkaas ka hadashay, ayaa waxa ay balanqaaday in wixii ay baratay ay si wanaagsan u gudbin doonto.

Hormoodka Kuuliyada Waxbarashada ee Jamacada Hargeysa Prof : Cismaan Ciise Cawaale oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahadnaqay Ardaydii ka qalan jabiyey Kuuliyada Waxbarashada ee jaamacada ee ay iska kaashadeen Hay’adda AET, Jaamacadda Harggeysa iyo Jaamacadda IUIU, waxaanu ku dhiirigeliyey inay dadaal mujiyaan,waxaanu sidoo kale xusay in Jaamacada Hargeysi ay tahay Jamaacad qiimo badan leh, oo muhiimada saarta horumarka Ardayda, waxaanu yidhi 

“Waxa aan u mahadnaqaya Ardayda ka qalan jabiyey Kuuliyadan, oo waddo aad u dheer sugaysa, Jaamacada Hargeysa waxa ay xidhiidh la leedahay Jaamacada IUIU, oo oo Ardaydii labaad ee aynu u dabaa degayno qalan jabintooda, waxayna IUI ka mid tahay Jaamacadaha ugu wanagssan Adduunka, waxa kale oo ay Jaamcada Hargeysa xidhiidh la leedhay Nariobi.

Tacliintu waxa ay leedahay saddex dhadhaar, oo waa Kitaabka, Macalinka iyo Guriga, oo haddii Saddexaadaas dhadhaar midi maqan yahay wax ayaa maqan, Jaamacada Hargaysi waxa ay soo saaraysa Macalimiin tayo leh”

Agaasimaha Hay’adda EAT Xasan Axmed Ibraahim oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa waxa uu ka hadlay Doorka ay Hay’aadiisu ku leedahay Mashruucan, waxaanu tilmaamay inuu aad ugu farxay inuu arko Ardaydan ka qalan jabisay Kuuliyadan Waxbarashada , waxaanu yidhi “Caawa (Xalay), waxaan u mahadnaqaya dhamaan Ardaydan, ka qalan jabisay Jaamcada, Markii dib u dhiska dalka laga bilaabay waxa aanu Wasaraadda Waxbarashada kala shaqaynayay horumarka Waxbarashada, oo waxa aanu xitta qeyb ka qaadanay dhinacayada Dugsiyada, gaar ahaan Tababarka Macalimiinta, Hay’adda AET waxa ay la shaqayso Jaamacado badan oo ay ka mid yihin Jaamacadaha dalka iyo qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaala Wadamada Afrka sida Jaamacada Islamic Univeristy in Uganda”.

Agaasimaha Hay’adda EAT Xasan Axmed Ibraahim ayaa sidoo kale dardaaran iyo dhiirigelin u soo jeediyey Ardaydii qalan jabisay, waxaanu kula taliyey in aanay dayicin waxa ay barteen ee ay ka faa’iidaystaan.

Liusa, oo iyana ka tirsan Madaxda Hay’adda AET, ahna Madaxa Mashruucan, oo iyana Munaasibadaas ka hadashay, ayaa aad ugu dheeratay qiimaha uu leeyahay Mashruucani iyo sida ay Somaliland uga faa’iidaystay, waxayna ku booriysay Ardaydii ka qalan jabisay kuuliyada Waxbarashada inay halkaas ka sii wadaan dadaalka/

Prof: Kuwaysi oo isagu ah Macalin ka tirsan Jaamacada IUIU, waxna bari jiray Ardaydan qalan jabisay ayaa waxa uu ka hadlay doorka ay Jaamacada Islaamic Univeristy in Uganda ay ku leedahay horumarka Waxbarashada iyo xidhiidhka ka dhexeeya Jaamacada Hargeysa, waxaanu sheegay in xidhiidh iyo wada shaqayn wanaagsan leeyihiin Jaamacada Hargaysa, waxa kale oo uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Hay’adda African Eduactional Trust, oo uu sheegay inay wax badan la qabatay.

Prof: Kuwaysi ayaa sidoo kale waxa uu halkaas ka sheegay Ardaydii ugu sareeysay ee  ka qalan jabiyey Kuuliyada Waxbarashada ee sida wada jirka ah u dhigayeen Jaamacda Hargaysa iyo Jaamacada Islamic Univeristy in Uganda.

 Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa  Dr Axmed Xuseen Gaas  oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa waxa uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Ardaydan qalan jabisay, waxa kale oo uu sheegay in Jaamacada Hargeysi ay tahay Jaamacad tayo badan leh, isla markaana ay dhigtaan lix kun oo Arday,  

Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Abiib  Axmed Cali    oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Sharaf ayey ii tahay inaan ka soo qeyb galo Xafladan ay ka qalan jabisay Ardayda waaweyni, oo waxa ay dhiirigelin u tahay horumarka Somaliland, Ardayda halkaas ka muuqataana waa Ardaydii Waxbarashada, Shahaadadan aad qaadateen, waa Shuruud, Shuruudaasna waad ka gudubteen, waxaana qabaa in horumarka Somaliland ee dhinaca Waxbarashada dalka aad wax badan ku kordhin doontaan”.

Wasiirkii Wasaaraddda Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo iyana Munaasibadaas ka hadashay ayaa waxa ay tidhi “Ardaydii 40-ka ahaa ee ka qeyb  galay Mashruucan 14-kan ayaa si rasmiya u dhammaystay Waxbarashadan, Afartan Sanno ee  Dawladdani joogtay waxa aanu ku dadaalnay in Waxbarashada sare loo qaado, oo xitta waxa aanu hirgelinay in Wasaaradda Waxbarashadu ay ka bixiso Ardaya bixin kari waayey Lacagtii Jaamacadaha, markii hore inta badan Macalimiinta lama tababari jirin, blasé anagu waxa aanu hadda bilawnay inaanu qaadano Macalimiin tababarno, oo aanu aqoontooda sare u qaadano, waxaana rajaynaynaa in aanu sare u qaadno Waxbarashada Caruurteena”.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa sidoo kale waxa ay ka hadashay dhibaatada ay qabyaaladu leedahay, waxayna tilmaamtay in qabyaalad iyo waxbarasho aanay meelna wada gelin, waxayna Ardaydii qalan jabisay ku boorisay inay ka dheeraadan qabyaalada.

Ugu dambeyntiina Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ayaa Shahaadooyinkii gudoonsiiyey Ardaydii ka qalan jabisay Kuuliyada Waxbarashada ee ay iska kaashadeen Jaamacada Hargeysa iyo Jaamacada Islaamic Univeristy in Uganda, isla markaana ay hirgelisay Jaamac