“Waxaan Ka Baxay Xisbiga Waddani, Oo Waxaan Ku Biiray Xisbiga KULMIYE”: Nuur Aamiin Ismaaciil

0
538

Picture2Aniga oo ah Nuur Aamin Ismaacil, laba xil oo Wasiirnimo ka soo qabtay xukumadii Daahir Rayaale, waxaan halkan maanta oo bishu tahay 13.09.2014 si buuxda ugu cadeynayaa in aan si buuxda iskaga casilay xubunimadii aan ka haye Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, anigoo ka mid ahaa xubin ka tirsan guddiga fulinta (Guddiga arrimaha bulshada), xisbiga Waddani, isla markaasna aan ku biridoono Insha Allah xisbul xaakimka Kulmiye ee uu gadh-wadeenka ka yahaay Mudane, madaxweyne Dr Axmed Maxamuud (Siilaanyo). Sababta igu kaliftay in aan iska casilo xubinimadii aan ka hayey xisbigaas waxay tahay ka dib markii aan arkay ee aan garowsaday in hogaanka xisbigu aanu ku socon intijaahii wanaagsanaa ee laga doonaayey, taasi oo ay ugu wacan tahay hogaanka maanta ka jira xisbiga Waddani gudihiisa.

Hadii aan yar tibaaxo xisbiga maanta talada dalka haya iyo sida ka mid noqoshadiisa aan ku door biday waxay tahay mid indhihii caafimaad qabaa arki-karaan isbadalada muuqda ee dhinaca walba ay ka wado xukumada maanta uu gadh-wadeenka ka yahay Mudane madaxweyne Dr Axmed Maxamed Maxamuud, taasina ay tahay midhka ugu muhiinsan ee salka ku haysa sababta igu kaliftay ka mid noqoshadiisa, cidii horumarka dalka iyo wax qabadkiisa wadaana waxaa wajiib ah in lala shaqeeyo sidii dakeenu horumar la taaban karo oo dhinac walba uga samayn lahaa, sida haatanba ka muuqata Istaraatiijiyada xisbul-xaakimka Kulmiye.

Hadaba, marka laga bilaabo maanta, waxaan ahay xubin ka tirsan xisbul-xaakimka Kulmiye. Ninkii gabyey waa kii yidhi waxba yaanu xoolana I siin xeerkaney marine xaashee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe.

Wabibaahi Towfiiq

Mr. Nuur Aamin Ismaacil

Addrees. Tel . 0634049474