Wasiir Xirsi Iyo Diyaarada Guuxa Ka Dheeraysa: Faallo: Najax Aden Cunaaye

0
642

Picture1Xukuumadda Uu Gadh Wadeenka Ka Yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shan Jirsanaysa hadii alle idmo dhawr bilood ka dib.

Sanadkii 2010 bishii 6-Aad 26-Keedii Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday ayaa codadkii la dhiibtay badi waxa hantiyay Xisbiga Kulmiye oo ay wakhtigaasi u sharaxanaayeen Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ku Xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), halka ay labadii xisbi ee UCID Oo hadda jira iyo UDUB oo burburayna ay ku guul daraysteen doorashadaasi.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay dadka badankiisu ugu codeeyeen isbedel, ayaa waxa uu laftiisu shacabka u balan-qaaday in uu soo dhisi doono dawlad tayo leh, tiradeeduna ay ka kooban tahay midii uu hogaaminayay Daahir Rayaale Kaahin ee uu talada wadanka Doorashada kagala wareegay.

Afar sano iyo dheeraad xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) haddii aanay ka badnayn midii hore, kolayba kama yara, waxaana la sheegaa in laftiisa uu la ambaday dhaankii.

Ku laaban mayno wax qabadka xukuumadda, wax qabad la’aanta iyo waliba gufaynta baahiyaadka tirada badan ee dul hoganaya Xukuumadda, hasayeeshee qalinku waxa uu liishaanka ku hayaa Wasiir ka mid ah wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Dhawaan ayay ahayd akhristoow markii u madaxweynaha Somaliland afkiisa ka soo yeedhay Kalmad dadka badankiisa ay la jaho wareereen, ka dib markii uu carrabkiisa ku sameeyay Ra’isal Wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo ugu cumaaday Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.

In kasta oo aan afka Madaxweynaha mar kale eray lagu xoojinayo iyo mid lagu beenaynayo midnaba aanu ka soo yeedhin, hadana xubno si dhaw ula shaqeeya Wasiirka iyo xukuumadda ayaa ka hadlay, kuwaas oo sheegayay in aanu sidaasba madaxweynuhu erayga u odhan ee ay mucaaradku buun-buuniyeen.

Waxa ay hilmaansan yihiin codka iyo muuqaalkuba in ay ka soo baxeen xarunta madaxtooyada, qaybintana ay iyagu lahaayeen, kuwaas oo qorshahoodu uu ahaa in umadda lawada gaadhsiiyo kulan lagaga arrinsanayay diiwaan gelinta madaniga ah oo uu madaxweynuhu isugu yeedhay Badhasaabada iyo mayoradda dalka Somaliland oo dhan.

Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan Laftiisa ayaa isna qoraal oo ku baahiyay bogga uu ku leeyahay Internetka kaga hadlay weedhahaasi, waxaanu sheegay in laga badbadiyay, madaxweynahana laga been abuuray.

Xaasha’ akhristoow,  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland cidinaba u badheedhi mayso in warbaahinta ay ka soo mariyaan weedho aanu odhanin oo qof kastaa gaf aan maanta xisaabtiisu ahayn ayuu ka baqayaa, balse warku sida kor ku xusan waxa uu ka yimid xarunta Madaxtooyada.

Bilawgii dhismaha xukuumadda ayaa madaxweynuhu waxa uu ku gufeeyay Wasiirkiisa hadda Xirsi Cali Xaaji Xasan meel loo malaynayo in ay gabo-dano uga soo gashay oo uu ugu wanqalay Chief Of Cabinet.

Xubnaha golaha wasiirada ayaa la sheegay in ay wakhtigaasi badhkood guux ka keeneen, halka siyaasiyiinta iyo shacabka Somaliland badankooduna ay si dhab ah u fahmi waayeen xilkan ku cusub Jamhuuriyadda Qaan-gaadhka ah.

Madaxweynaha ayaa xeradii uu wakhtigaasi u waabay Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu ugu bedelay mid ka qaro wayn, waxaanu dib u soo celiyay Wasaaradii Madaxtooyada oo aanu Bilawga Dhismaha Xukuumadiisa ku darin, waxaanu ka dhigay Wasiirka Madaxtooyada.

Xirsi oo dhinaca kale isku tiriya in uu ka mid yahay Wasiirada Dhalinyarada ah, haybna la wadaaga Madaxweynaha ayaa kordhiyay Orodka, waxaanu xuurtaysatay Golaha Wasiirada oo la aaminsan yahay in uu badankooda Magacaabistooda wax kala socday.

Shaqaalaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ugu sareeyaan Wasiiradda ilaa kuwa ugu hooseeya ayaa la isku raacsan yahay in ay si dhab ah uga amar qaataan Wasiirkooda Xirsi oo uu dhawaana Madaxweynuhu Daabaqada ugu dhuftay in uu yahay Wasiirka, Wasiirada.

Halkaas marka ay marayso, waxa aan jecelahay in aynu ku sifayno dhaqanada Wasiirkan iyo sida ay uga amar qaataan saaxiibadiisa ay isku digreetada ku magacaaban yihiin, da’ ahaan badhkood ay ku soo laabmayaan, dherer ahaana ay ka dheer yihiin tix gabay ah oo aan sidaas u sii badnayn.

Dhanxiirkaa yar baa wada xukumay,

nimankan dhaadheere

Iyagoo dhafoora cad-cadbay

talo ka dhawreene…………….Waxa tiriyay Axmed Warsame xasan (Abwaan daweeye)…….. la soco

Najax Aadan Cunaaye

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Najaxcunaaye@gmail.com